Magaaladda Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiraan, ayaa wararka ka imaanaya ay sheegayaan in ay xalay ka da’een roobab xoogan oo saameyay dadka ku dhaqan xaafaddaha Kooshin iyo Xaawo taako oo ka wadda tirsan Beleweyne.
Dadka ayaa saakay kala baxay Alaabahooda si ay uga badbaadaan saameyn kaga timaada dhanka wabiga oo sameeyo fatahaad,halkaa dadka qaarna ay kala baxsadeen naftooda si ay u gaaran dhulka taaga ah ee qalalan oo aysan soo gaarayn biyaha.
Xilliyada ay ka da’aan roobabka magaalada Beledweyne, ayaa waxaa sidoo kale gudaha magaaladda ku soo rogmada daadadka ka yimaadah dhanka Buuraha ku hareeraysan iyo Wabiga oo isbiirsada taas oo sababta in ay isaga barkacaan dadka deegaanka.
Roobka Gu’ga, ayaa ka da’ay qeybo ka mid ah dalka kaas oo laga cabsi qabo in ay waxayoolo ka dhalto daadadka iyo wabiyada gobolada ay maraan inta badan oo u nugul fatahadaha ay sababaan dadka degan deegaanada ku teedsan Aagga wabiyada.
Waxaa dhawaan farriimo digniino ah hawada u marisay hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka, iyadoo kaga digayso cabsi laga qabo in ay roobabka ka dhashaan daadadka iyo fatahaado sabab u noqda in dadka iyo duunyada galaaftaan.
Digniinta ay hay’adda soo saartay ayaa waxaa ay cabsi weyn ka muujisay roobka (Gu’ga) ee ka curtay dalka waxaana ay si weyn farta ugu fiiqaday hay’adda SoDMA inay Baladweyn iyo degaanada ku dhaw ay sheegtay in ay u nugul yihiin da’dadka iyo fatahaadaha ka dhalan karto roobka Gu’ga oo degaanadaan ka da’ayo.