Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Roobabkii ka da’ay Caasimadda oo saameyn ku yeeshay qoysas danyar ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Roobabkii ka da’ay Caasimadda oo saameyn ku yeeshay qoysas danyar ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Roobabka oo ah xiliga Gu’ga, ayaa bilowdey aroortii hore ee saaka, waxa uuna ahaa Roob aad u xoog badan, waxa ay aheyd marxalad loo baahnaa Roobka laakin, saameyn  ballaaran ayuu ku yeeshay dadka danta yar, Ganacsiga caasimadda, usu socodka Gaadiidka nooc walba, waxaa jira in meelaha qaarna uu ka geystay khasaare ballaaran.

Qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaa ku nool dad barakacayaal ah oo meelo kala duwan ka yimid, waxaa ka mid ah dadka ka soo laabtay dalka Yemen, inkastoo dadkaasi qaar loo sameeyey dib u dajin welina dadaalkaasi uu socda.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir qoysas danya ah oo ku nool ayuu  khasaare u geystay Roobka, waxaana wararku ay sheegayaan  in laba qof ay ku dhinteen mid ka mid ahna dadkaasi uu yahay Ilmo yar, dadka ku nool Kaamamka ayaa iyaguna qaba dhibta uu sababay Roobka Muqdisho ka da’ay, kuwaas oo qaarkood uu ka dumay guryahii ay degnaayeen oo ka sameysnaa Cooshado iyo Baakado.

Degmooyinka Hodan iyo Warta-Nabadda ayaa lagu soo waramayaa in khasaare uu u geystay Roobka dad danyar ah oo aanan awoodin xilligaan in ay sameystaan guryo ay ka galaan Dhibicda Roobka ee xoogga iyo Dabeysha wadata.

Ganacsiga iyo Gaadiidka dadweynaha ayaa muddo saacado badan hakad gelay maanta kaddib markii ay daadad buux dhaafiyeen waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayay dadka qaarkood oo xaafadahooda ku sameysanaya biyo-xireeno si aysan guryaha ugu gudbin daadka ka dhashay Roobka Muqdisho ka da’aay saacadihii la soo dhaafay.

Dadka qaar ayaa codsaday in gurmad loo fidiyo, maadaama ay deganyihiin guryo ka sameysan cowshado iyo baco, waxaana qoysaska barakacayaashu ay xilligan u muuqdaan kuwa ay soo wajahday xaalado adag oo xagga nolosha ah.

Dhanka kale roobab mahiigaan ah ayaa saaka ka bilowday magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, iyadoo qaar ka mid ah qoysaska danyarta ah ay codsadeen in ilgaar ah lagu eego.

 

 

Previous Post

Mas’uuliyiin bukaanno Soomaaliyeed ku booqday isbitaal ku yaalla Qatar “SAWIRRO”

Next Post

Siminaar loo furay qaar ka tirsan shaqaalaha Wasaaradaha Maamulka K/galbeed ee dalka

Next Post
Siminaar loo furay qaar ka tirsan shaqaalaha Wasaaradaha Maamulka K/galbeed ee dalka

Siminaar loo furay qaar ka tirsan shaqaalaha Wasaaradaha Maamulka K/galbeed ee dalka

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In