Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW Cumar oo daah furay shirkii wada xaajoodka dowladda Fedraalka iyo Maamulka Puntland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
RW Cumar oo daah furay shirkii wada xaajoodka dowladda Fedraalka iyo Maamulka Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garoowe, 11, April, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabidrashid Cali Sharma’arke ayaa saaka daah furay shir wada xaajood oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah golihisa Wasiirada iyo Wasiirada Maamulka Puntland, shirkaan ayaa waxaa diirada lagu soo saarayaa dib u eegista heshiisyadii ay wada galeen Puntland iyo Dowlada Federaalka, Arrimaha Dastuurka, Guddiyada Madaxa banaan iyo shuruucda muhiimka u ah higsiga 2016.

Furitaankii shirka ayaa waxaa hadalo koob-kooban ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyagoo ka wada hadlay muhiimadda uu shirkaan u leeyahay ka miro dhalinta higsiga 2016 iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya Maamulka Puntand iyo Dowlada Federaalka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

“Puntland waa hooyadii iyo Aabihii Federaalka waxayna markasta diyaar u tahay kana shaqaynaysaa sidii laysugu keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed, waxaase dhacda in mar-marka qaar la yeehso aragtiyo kala duwan, taas ayaana sabab u ah in laysugu yimaado kulamo.waxaa kulankaan qayb ka ah in lays weydiiyo maxaa imaan doona 2016 iyo dowaldnimada dhalanaysa waa noocee, marka waxaa loo baahan yahay in si wada jir ah looga arinsado, iska waraqab joogto ahna la yeesho” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland..

Ra’iisul Wasaare Cumar oo si rasmi ah u daah furay shirka ayaa ku dheeraday muhiimada ay u leedahay xukuumadiisa xaqiijinta 2016, taas oo ku imaan karta oo kaliya wada tashi balaaran oo ay ka yeeshan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada ka jira dalka.

“Hadaa nahay Madaxda dowlada federaalka ah waxey masuuliyad naga saaran tahay inaan wada tashiyo dheeraad ah kala yeelano cid kasta oo uu khuseeyo higsiga 2016, si loo helo dastuur loo qaaday afti dadweyne iyo in la helo dib u heshiisiin qaran oo dhamaan gaarta gobolada iyo degmooyinka dalka, wada xaajood kasta oo la yeesho wuxuuu u baahan yahay dulqaad, is faham iyo isu tanaasul, waxaan rajaynayaa inuu is faham iyo heshiis ka soo baxo shirkaan”

“Dhismaha ciidan qaran xukuumadu waxay u saartay gudi ay hogaaminayso Wasaarada Gashaandhiga waana inaan aragti midaysan ka yeelano dhismaha ciidan qaran, waa inaan helnaa ciidan qaran oo soo celiya karaamadii iyo Sharfta Soomaaliya, wadankana gaarsiiya horumar dhanka amniga ah” ayuu yiri RW Cumar oo dhanka kale uga mahadceliyey, reer Puntland sida wanaagsan oo ay ugu soo dhaweeyeen Garoowe.

Ugu danbayntii RW ayaa booqashooyin ku soo maray Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka, Xabsiga dhexe iyo xarunta ciidanka Asluubta, Jaamacada PSU oo uga qayb galay bandhig faneed lagu soo badhigay in kabdan 150 buug oo ay qoreen aqooyahano Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale RW Cumar dhagax dhigay Hoteel Casri ah oo ganacsato Soomaaliyeed ka dhisanayaa meel aan ka fogayn madaxtooyada Puntlanad.

—DHAMAAD–

2 3 4 5 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 29

Previous Post

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay Wakiilo ka socda Dowladda Mareykanka “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo lagu soo dhaweeyay Cadaado “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In