Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Khayre oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay arrmaha gar-gaar ee bini-aadanimadda Soomaaliya

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
R/W Khayre oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay arrmaha gar-gaar ee bini-aadanimadda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ahee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb-galay shirk ay soo qaban qabiyeen ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaa soo looga hadlayay qorshaha gar-gaar ee arrmaha bini-aadanimadda sanadka 2018.

Shirkan oo ay ka soo qayb galayn dhammaan hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka, ayaa lagu falanqeeyay dhamaan wixii qabsoomay sanadkii tagay ee 2017-ka.

Ra’iisul WasaarahaSoomaaliya ayaa shirka ka akhriyay warbixin ku saab-san howlihii ay xukuumaddu ka qabatay abaarihii dalka ka dhacay, isagoo tilmaamay in sanadkii hore ay Soomaaliya muujisay dareen wada jir ah, oo dadka Soomaaliyeed ku abuuray rajo wanaagsan.

“Waxan idin cadaynayaa in ay dawladda Soomaaliya aysan wadahayn agabkii loo baahnaa ee looga hor tagi lahaa abaaraha soo noq-noqanaya, balse waxaan balan qaadaynaa in aan muujino lahaanshaha iyo mas’uuliyada ka hor-tagida abaaraha” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya.

Sidoo kale waxuu dadka Soomaliyeed usoo jeediyay in ay noqdaan cida ugu horaysa ee u gurmata shacabka ay abaarahu saameeyaan, si looga maarmo caawinta gacmo kale ama dawladda shisheeye.

Dhanka kale hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in 1.6 billion US$, loo baahan yahay si loogu caawiyo bay yiraahdeen dad gaaraya 5.4 million oo qofood,kuwaas oo u baahan gargaar.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka Qaramada Midoobay ee ku aadanaa gar-gaarkii bini’aadanimo ee ay u qabteen ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeyay in sanadka cusub ay sii balaariyaan shaqada ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA: Wasaaradda Warfaafinta oo dib u howlgalisay Kooxdii Kubadda Cagta Madbacadda Qaranka

Next Post

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo kormeerey xafiisyada Hay’adda ee Cadaado “SAWIRRO”

Next Post
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo kormeerey xafiisyada Hay’adda ee Cadaado “SAWIRRO”

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo kormeerey xafiisyada Hay’adda ee Cadaado "SAWIRRO"

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In