Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW Ku-Xigeenka dalka oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga doorashada Madaxtooyada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
RW Ku-Xigeenka dalka oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga doorashada Madaxtooyada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa shir-gudoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga doorashada Madaxweynaha oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirada Cadaaladda iyo Amniga, Ku-Xigeenka Ergeyga gaarga ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, iyo taliyayaasha ciidamada qalabka sida.

Mudane Carteh ayaa ugu horeeyn ka dhageystay taliyayaasha warbixin ku saabsan amniga dalka, kadibna kula dardaaramay in ay diiradda saaraan sugida amniga Xildhibaanada, Musharixiinta, iyo goobta ay doorashada ka dhaceyso.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

“Waxa uu xil inaga saaranyahay in aynu sugno amniga Musharixiinta isla markaana diiradda saarnno doorashada Madaxtooyada ee isbuuca soo socda dalka ka dhaceysa”.

Dhanka kale, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa ciidamada qalabka sida iyo AMISOM kala hadlay in ay xoojiyaan wada shaqeeynta ka dhaxeysa iyo is dhaafsiga macluumaadka.

“Wada shaqeynta idinka dhaxeysa waa mida suurtagal ka dhigtay in si nabdoon ay u dhacaan doorashooyinkii labada aqaal, sidaa awgeed, waxa aan idinku dhiiragelinayaa in aad isla wadaagtaan xogaha amniga si loogu guuleysto sugida amniga doorashada Madaxweynaha”.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa dhamaan shacbiga Soomaaliyeed ka codsaday in ay ciidamada amniga kala shaqeeyaan sidii amniga u ahaan lahaa mid marwalba sugan.

—–DHAMAAD—–

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Previous Post

Waddo isku xirta degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis oo dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO”

Next Post

Sidee loo arkaa Xukunkii Wiilasha Kufsiga Geystay?

Next Post
Sidee loo arkaa Xukunkii Wiilasha Kufsiga Geystay?

Sidee loo arkaa Xukunkii Wiilasha Kufsiga Geystay?

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In