Monday, July 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW Rooble oo guddiga doorashada FIET ka saaray laba xubnood, digniina soo saaray

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn, Xulashada
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xubinnimadii ka qaaday xubno ka tirsanaa FEIT soona saaray awaamir ku saabsan doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu bogaadinayaa dadaalka Guddiga FEIT iyo guddoonkooda iyo xoghayeyaasha Guud ee Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee ku aaddan hirgelinta Jadwalka dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxa uuna sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu u hambalyaynayaa Xubnaha Baarlamaanka ee ilaa hadda qaatay Shahaadada xildhibannimo

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

Ra’iisul Wasaaruhu waxa ku boorrinayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u qaataan shahaadada xildhibaannimo una diyaar garoobaan dhaarinta xildhibaannada si ay u bilaabaan gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

Dhinaca kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka war hayaa ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in lagu carqaladeeyo hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT taas oo muujinaysa damaca xafiisyada qaar ay ku doonayaan in ay ku hor istaagaan dhammeystirka doorashada dalka una weeciyaan jiho kale.

Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha oo gudanaya waajibaadka ka saaran dhammaystirka doorashooyinka dalku, markii uu arkay falalka la isku dayayo in lagu carqaladeeyo hirgelinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada.

Markuu arkay warqadda sumadeedu tahay GHDHF/104/03/2022 ee ka soo baxday Gudoomiyaha Guddiga FEIT kuna saabsan in xubno ka tirsan guddigu ku keceen falal ka baxsan anshaxa shaqada oo lagu hor istaagayo habsami u socodka shaqada guddiga, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu go’aamiyay;

Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray

1. Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo lagu baddelay Mudane Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir
2. Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam oo lagu baddelay Mudane Xasan Cali Yuusuf

Waxaa sidoo kale digniin kama dambeys ah la siiyay xubnaha kala ah:

1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur
2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed
3. Cabdijabbaar Cabdullaahi Faarax
4. Axmed Aadan Dagaal
5. Sacdiyo Xasan Xuseen

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu uga digayaa xubnaha ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, Shaqaalaha rayidka ah iyo xukuumadda in ay ka waantoobaan falalka isugu jira cabsi gelinta iyo musuqmaasuqa ee ay ka dhex wadaan heerarka kala duwan ee guddiyada maamulka doorashooyinka, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan haddii ay falalkaas ku sii socdaan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in baaris deg deg ah lagu sameeyo isku daygii galabnimadii 04/04/2022 ee xubnaha laga saaray guddiga FEIT iyo kuwa loo digay ku carqaladeeyeen habsami u socodka howsha shahaaddo bixinta ee guddigu wado, waana in taliyuhu mas’uuliyad gaar ah iska saaro amniga iyo badqabka goobaha ay ka socdaan howlaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu farayaa Guddiga FEIT in ay dardar geliyaan shaqadooda isla markaana ku taagnaadaan hirgelinta jadwalka diiwaangalinta iyo dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal.

Ugu danbayn, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in ay jiraan isbaheysiyo gudaha iy dibadda ah oo lagu doonayo in lagu hor istaago dhammeystirka howlaha doorashooyinka, si dalka looga abuuro degganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeed, sidaas awgeedna waxa uu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan una diyaar garoobaan sidii looga hor tagi lahaa duullaankaas ka dhanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, loona xaqiijin lahaa dhammeystirka doorashada oo mareysa heer gebogebo ah.

Dhammaad

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka iyo waxgaradka degmada Marka oo ka wada hadlay adkaynta amniga

Next Post

Maamulka iyo waxgaradka degmada Marka oo ka wada hadlay adkaynta amniga

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In