Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay ku-xigeenka Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Fiona Lortan iyo taliska Ciidammada ATMIS.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda iyo taliska ATMIS uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga doorashooyinkii dalka ka qabsoomay iyo wada shaqeyntoodii, waxa uuna ku boorriyay in ay sii dardar geliyaan howlaha nabad ilaalinta ee ay dalka u joogaan.