Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Kheyre oo tacsi u diray Ehelada dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Wasiirrada Ku Amray Dhamaystirka Qorsha Hawleedka Sanadka 2018
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre oo Warbaahinta Qaranka kala hadlay Shacabka Soomaaliyeed kadib markii uusoo kormeeray isbitaallada iyo goobtii argigixisadu soo weerartay ayaa u mahad celiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee bad baadiyey dadkii argigixisadu guryagooda ku qabsatay.

 

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda waxa uu sidoo kale u mahad celiyey dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha badbaadiyey dhaawacyada, sidoo kalena waxa uu u mahad celiyey dadka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqay walaalahood dhibaatadu soo gaartay.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa dadkii ku dhintay dhacdadii xumeyd ee shalay ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan jidka Maka Al-mukarrama, aniga iyo Wasiiradii ila socday, anagoo mataleyno Madaxweynaha iyo dowladda inteeda kale, waxaan kormeer ku soo marnay Isbitaaladii oo aan ku soo booqanay bukaanada, waxaan kaloo tegnay goobtii uu ka dhacay, qaraxa, meeshaas oo aan ku soo aragnay dad Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkisa ku daray “Waxaan leeyahay intii ku dhimatay Allaha u naxariisto, inta ku dhaawacantayna Illaahay caafimaad ha siiyo, shacabka Soomaaliyeedna kuligood inta dhibkaas gaartay Allaha, ugu horeyn waxaan rabaa inaan u mahadceliyo ciidamada Soomaaliyeed oo runtii muujiyay geesinimo weyn, oo dhiiri-gelin ay ka muuqato, iyagoo qaatay waqtigii ugu mudnaa oo ay qaadan kareen, sababtoo ah dhagarqabayaashu waxa ay galeen guri ay lahaayeen shacab Soomaaliyeed, halkaasi oo askarteena Ilaahay ha xafidee ilaa xalay ilaa iyo galabta ka shaqeynaayeen in dadkaasi la soo badbaadiyo, in ka badan 35 qofood ayay ciidamadeena halkaasi ka soo badbaadiyeen , iyagoo iyagu naftooda u huraaye”.

Dhinaca kale Ra’isulwasaaraha waxa uu ka hadlay dadaallada dowladda ee dib u habeyta, tayeynta iyo qalabeynta Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo meel wanaagsan maraya si la mid ah hormarrada ay dowladdu ka gaartay dhinaca dhaqaallaha iyana hormar looga sameeyey, dadkuna ay arki doonaan natiijadaas dhowaan.

 

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2019/03/DEG-DEG-Raiisulwaaaraha-XFS-Hassan-Ali-Khaire-Oo-booqday-Goobihii-qaraxu-ka-dhacay.mp3
Previous Post

Dawladda Soomaaliya oo ku taamaysa in la soo saaro shidaalka dalka marka la gaaro sanadka 2020-ka

Next Post

Madaxweynaha Suudaan oo Madaxweyne Farmaajo ugu tacsiyeeyay muwaadiniinta ku shahiiday weerarkii argagixisanimo

Next Post
Madaxweynaha Suudaan oo Madaxweyne Farmaajo ugu tacsiyeeyay muwaadiniinta ku shahiiday weerarkii argagixisanimo

Madaxweynaha Suudaan oo Madaxweyne Farmaajo ugu tacsiyeeyay muwaadiniinta ku shahiiday weerarkii argagixisanimo

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In