Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre kormeerkaan uu ku tagey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka baandir ayaa yimid ka dib markii maamulka gobolka Banaadir uu tubta arrimaha bulshadda ku soo bandhigeen in ay socdaan howlo lagu xoojinayo nadaafadda iyo bilicda caasimadda oo dowladda Soomaaliya ahmiyad weyn siinayso si loo helo Caasimad bilic iyo amni leh.
Wasiirku xigeenka wasaaadda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukumadda, Aadan Isaaq Cali oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa xusay in dowladda muhiimada weyn siinayso Bilicda caasimada isla markaana maamulka Gobolka banaadir uu hada bilaabey howl ballaran oo lagu suurta galinayo.
Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo kormeerkiisa ku guda jira ayaa kulamo is xogwareysi iyo kala warqaadasho ah waxa uu la qaatay dadkii ku caweynayey waddooyinka maagaladda , kuwaasi oo isugujira dhalinyaro,ganacsato iyo dadka degan.
Dadkiii uu kula kulmay waddooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya waydiinayey Su’aalo ka turjumayey dowladnimada iyo dal jaceylka,islamarkaana ku bogaadiyey in mar kasta ay noqdaan kuwa u taagan ilaalinta dowladnimada. Tani waxay dhalinyarada Soomaaliyeed u horseedaysaa in ay helaan mustaqbal wanaagsan oo ay kula tartamaan dadka asaagooda ah.