Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

R/Wasaare Kheyre “Taliyeyaasha ciidamada waxaa la idinka rabaa inaad isku soo dhaweysaan ciidanka” Dhageyso + Sawirro

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
R/Wasaare Kheyre “Taliyeyaasha ciidamada waxaa la idinka rabaa inaad isku soo dhaweysaan ciidanka” Dhageyso + Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wada shaqayn wanaagsan oo dhex marta ciidanka qalabka sida Dalka waa mid horseedaysa in ay dhabar jabiyaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed, Shirka   todobaad  lahaa ee sarakiisha ciidanka ayaa maanta looga hadlay xoojinta wada shaqaynta  iyo is dhex galka ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay uga guuleystaan cadowga, isla markaana  horumar ugu horseedaan Soomaaliya .

Shirka  oo ka dhacay xarunta tababbarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ka ka qayb galay  Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya  Wasiiro ka  tirsan Xukumadda,  Taliyeyaasha iyo sarakiisha Ciidanka qalabka sida ee Dalka waxaana ahmiyad lagu saaray adkaynta iyo wada shaqaynta ciidanka qalabka sida si meesha looga saaro isku dhacyada yar ee mararka  qaar dhexmara ciidamada.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid oo ku hadlayey Magaca Taliyeyaasha ciidanka qalabka  sida ayaa  shirka ka aqriyey qodabo  lagu xoojinayo wada shaqaynta ciidanka  qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

“In ciidamada ay si mideysan u wada howlgalaan, oo ay si wada jir ah ugu dadaalaan howlgallada ka dalka oo dhan, gaar ahaan caasimadda, inay is xoshmeeyaan oo ay isxaqdhooraan, in ciidamada ay si daacad ah ugu wada adeegaan shacabka iyo in Ciidamad aysan kala duwan oo ay ogadaan inay yihiin ciidan qura oo ay dhowraan nidaamka ciidanka u degsan” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska.

Wasiirka Cadaladda ee xukumadda Soomaaliya  Abuukaate  Xasan Xuseen Xaaji Xuseen ayaa sheegay si horumar laga gaaro ammaanka dalka ay muhiim u tahay dhaqalaha, isagoo ku booriyay inay ciidanka is xaqdhowraan.

Ra’iisul wasaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre  oo khudbada dheer u jeediyey sarakiiasha ciidanka ayaa taliyeyaasha ciidanka ku amray in looga bahanyahay in ay ka shaqeeyaan walaalaynta  iyo wada shaqaynta  ciidanka  qalabka sida dhexdooda ah, ayna meel iska dhigaan  wax  kasta oo keeni kara kala qob qobnaan dhex marta ciidankeena.

“Madaxda ciidamada kow waa inaad ogaataan inaad hal magac wada leedihiin, oo aadan kala ahayn Nabad sugid, boolis iyo militeri, ogaada inaad tihiin ciidan Soomaaliyeed, inaad ka shaqeyneysaan Soomaalinimo, maadaama aad raadineysaan Soomaalinimo iyo inaad dalkaan xoreysaan, waxaana arrintaasi ku qaban kartaan inaad tihiin Soomaali,  Taliyeyaasha halkan fadhida idinka ayaa la idinka rabaa inaad isku soo dhaweysaan ciidamada”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ciidanka qalabka sida  ayaa ah astaan lagu cabiro jirtaanka iyo sharafta dalka kasta  oo caalamka ah , ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya waa kuwa  lagu tilmaami jiray in ay yihiin libaaxyadda  Afrika, waana rajada kaliya oo ay leeyihiin umadda Soomaaliyeed mar kasta oo ay dhibaato   iyo cadow doonayaan in  dhibaato gaarsiiyaan    sharafta Umadda Soomaaliyeed taana waa mid ay gudan karan marka ay la yimadaan wada shaqayn dhexdooda ah

 

Halkan ka dhageyso khubadda Ra’iisul Wasaaraha oo dhameystiran

 

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/08/Raiisul-Wasaare-Kheyre-oo-hadalo-dhiiri-gelin-ah-u-jeediyay-cidamada-1.mp3

Previous Post

Wasiirka Tacliinta Sare oo booqasho ku tagay qaar ka mid ah Jaamacahada ugu waa wayn Dalka Suudaan ”SAWIRO”

Next Post

Shacabka oo soo dhaweeyay howlgalka xasilinta amniga “Dhageyso”

Next Post
Shacabka oo soo dhaweeyay howlgalka xasilinta amniga “Dhageyso”

Shacabka oo soo dhaweeyay howlgalka xasilinta amniga "Dhageyso"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa...

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

September 7, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2022...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In