Waxaa magaaladda Ankara ee Dalka Turkiga lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha Guud iyo Guddoomiyaha Gollaha dhexe ee Ururka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Turkiga ee loo soo gaabiyo (UMASET).
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumada Soomaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga yo Howlwadeenada Safaaradda soomaaliya ee Ankara ayaa goob-joog ka ahaa doorashada.
Doorashada oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha UMASET Shacraawi Maxamed Bashir Halka Guddoomiyaha Gollaha dhexe loo doortay Cabdullaahi Isaaq Cumar oo ah arday heerka labaada ee jaamacada (Master ).
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku bogaadiyay Ardayda wax ka barata dalka Turkiga in ay ka faa’idaystaan fursadaha ay maanta haystaan oo aysan heysan dhalinyaro Soomaaliyeed oo iyaga la mid ah, isagoona u Hambalyeeyay Gudoomiyaha cusub ay doorteen Ardayda.
Ururka Ardayda UMASET ayaa la aas aasay February 2015 taasi oo dabooshay baahidii ay ardayda Soomaaliyeed ee dalka turkiga u qabeen Urur ay ku mideysan yihiin Ardayda Soomaaliyeed ee waxkabarta dalka Turkiga, iyadoona kaalin aas aaska Ururka uu ka qaatay U qeybsanaha Arimaha Tacliinta Hidaha iyo dhaqanka ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Cabdicazis Sheekh Cabdiraxmaan.
Ifrah Abdullahi (Ankara)