Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqday qaar kamid ah Wasaaraddaha iyo Dekedda Muqdisho+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqday qaar kamid ah Wasaaraddaha iyo Dekedda Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Md Mahdi Mohamed Gulleid (KHADAR) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Gaadiidka Cirka & Duulista iyo Wasaaradda Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda iyo weliba Dekedda Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka cirka iyo Duulista Md Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisalwasaare ku-xigeenka waxaanna uu uga warbixiyay sida ay u gudanayaan waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan iyo hanaanka ay usocoto shaqadda Wasaaraddu, isagoo mid mid u booqday xafiisyada ay ku howl-galaan shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiirka Dekeddaha iyo gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys, oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi ayaa iyagana dhankooda R/W ku-xigeenka kusoo dhoweeyay xafiiska W/D & G/B, waxaana dhex maray kulan mudo kooban qaatay oo ay R/W ku-xigeenka ugaga warbixinayeen shaqadda Wasaaradaasi.

Intaa ka dib Md Mahdi oo ay wehelinayso Wasiirka Dekeddaha iyo Gadiidka Badda Marwo Maryan Aweys ayaa booqday Dekedda Magaaladda Muqdisho waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay Maareeyaha Dekada Muqdisho iyo dhammaan shaqaalaha ka howlgala.

Mudane Mahdi Maxmed Guuleed ayaa maamulka dekadda kala hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa shaqada, loona horumarin lahaa dekedda Muqdisho.

”Waxaan saaka kormeer shaqo ku tegey Wasaaraddaha qaar kamid ah iyo Dekedda Muqdisho, Kormeerkaasi wuxu qayb ka yahay barnaamijka joogtaynta isla xisaabtanka ee Xukuumadda. Waxaan soo aragnay sidday shaqooyinkooda u gudanayaan Wasaaradda Dekeddaha & gaadiidka badda iyo Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawadda iyo weliba Dekedda weyn ee Xamar. Waxaan soo arkay in shaqadda Wasaaradduhu si fiican ay usocoto Wasiiradda iyo agaasimayaasha dhamaan shaqaaluhuna ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee maalinlaha ah. ayuu yiri Ra’iisalwasaare xigeenka Dalka Md Mahdi

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo hadalkiisa sii-wata ayaa yiri “Dekedda Muqdisho oon sidoo kale tegey waxaan kusoo arkay shaqo wanaagsan oo ka socota ilaa afar markab oo waaweyn ayaa kusoo xidhay, dhaqdhaqaaqa dekedduna aad buu usareeyay shaqadda ay Maareeyaha dekedda iyo shaqaaluhu wadaana si fiican ayay u soconaysay.” ayuu yiri Ra’iisalwasaare xigeenka Dalka Md Mahdi oo warbaahinta la hadlay markii kormeerku soo dhamaaday”

Previous Post

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka oo sheegay in Kalfadhiga 3-aad Kulankiisa 3-aad uu qabsoomi doono 31-Maarso

Next Post

Qarax ka dhacay Muqdisho

Next Post
Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ka dhacay Muqdisho

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane...

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In