Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqday qaar kamid ah Wasaaraddaha iyo Dekedda Muqdisho+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqday qaar kamid ah Wasaaraddaha iyo Dekedda Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Md Mahdi Mohamed Gulleid (KHADAR) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Wasaaradda Gaadiidka Cirka & Duulista iyo Wasaaradda Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda iyo weliba Dekedda Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka cirka iyo Duulista Md Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisalwasaare ku-xigeenka waxaanna uu uga warbixiyay sida ay u gudanayaan waajibaadka shaqo ee ay qaranka u hayaan iyo hanaanka ay usocoto shaqadda Wasaaraddu, isagoo mid mid u booqday xafiisyada ay ku howl-galaan shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiirka Dekeddaha iyo gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys, oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi ayaa iyagana dhankooda R/W ku-xigeenka kusoo dhoweeyay xafiiska W/D & G/B, waxaana dhex maray kulan mudo kooban qaatay oo ay R/W ku-xigeenka ugaga warbixinayeen shaqadda Wasaaradaasi.

Intaa ka dib Md Mahdi oo ay wehelinayso Wasiirka Dekeddaha iyo Gadiidka Badda Marwo Maryan Aweys ayaa booqday Dekedda Magaaladda Muqdisho waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay Maareeyaha Dekada Muqdisho iyo dhammaan shaqaalaha ka howlgala.

Mudane Mahdi Maxmed Guuleed ayaa maamulka dekadda kala hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa shaqada, loona horumarin lahaa dekedda Muqdisho.

”Waxaan saaka kormeer shaqo ku tegey Wasaaraddaha qaar kamid ah iyo Dekedda Muqdisho, Kormeerkaasi wuxu qayb ka yahay barnaamijka joogtaynta isla xisaabtanka ee Xukuumadda. Waxaan soo aragnay sidday shaqooyinkooda u gudanayaan Wasaaradda Dekeddaha & gaadiidka badda iyo Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawadda iyo weliba Dekedda weyn ee Xamar. Waxaan soo arkay in shaqadda Wasaaradduhu si fiican ay usocoto Wasiiradda iyo agaasimayaasha dhamaan shaqaaluhuna ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee maalinlaha ah. ayuu yiri Ra’iisalwasaare xigeenka Dalka Md Mahdi

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo hadalkiisa sii-wata ayaa yiri “Dekedda Muqdisho oon sidoo kale tegey waxaan kusoo arkay shaqo wanaagsan oo ka socota ilaa afar markab oo waaweyn ayaa kusoo xidhay, dhaqdhaqaaqa dekedduna aad buu usareeyay shaqadda ay Maareeyaha dekedda iyo shaqaaluhu wadaana si fiican ayay u soconaysay.” ayuu yiri Ra’iisalwasaare xigeenka Dalka Md Mahdi oo warbaahinta la hadlay markii kormeerku soo dhamaaday”

Previous Post

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka oo sheegay in Kalfadhiga 3-aad Kulankiisa 3-aad uu qabsoomi doono 31-Maarso

Next Post

Qarax ka dhacay Muqdisho

Next Post
Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ka dhacay Muqdisho

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In