Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare kuxigeenka Dalka”fikradaha xagjirnimada iyo kuwa dhiiga dadka banaystay waxaa looga gudbi karaa aragti midaysan+sawiro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare kuxigeenka Dalka”fikradaha xagjirnimada iyo kuwa dhiiga dadka banaystay waxaa looga gudbi karaa aragti midaysan+sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayay furitaanka tartan Qur’aan aqris heer Qaran ah oo sanadkasta la qabto ayaa siweyn ugu dheeraaday ka hadalka muhiimadda uu qur’aanka Kariimka uu u leeyahay dadka iyo  in la helo afkaar midaysan oo bulshada dhexdeedi ah si looga gudbo kala ququbnaanta.

Raiisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa soo hadal qaaday fikradaha xagjirnimada ah iyo kooxaha diinta sida qaldan u adeegsada,hadana banaystay dhiiga muslimiinta,kuwaasi oo uu sheegay in looga gudbi karo oo kaliya in la helo bulsho haysata aragtimidaysan,quraankuna uu dawo u yahay waxkasta.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

“Marka hadii aan xadaaran aqoon fikirmidaysan iyo fikir midaysan iyo siyaasad ku salaysan Islaamka,aan ku salaynin manhabkeyna waxbarasho,waxaan ku sii soconaynaa fikirkaa kala duwan oo qaarkayna dhiigayna banaystay qaarna ay leeyihiin ka daaya,waa in aragtida la mideeyaa hadduu rabbi idmo,lagu dadaalo in wada hadal la furo si loo saxo dadka qaldan maskaxiyan maadaama aan qori waxba lagu maquuninkarin”. Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Munaasabadda Daah furka barnaamijkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Owqaafta  ayna maalgelisay hay’adda Qadar Charity ee laga leeyahay Dalka Qadar waxaa sidoo akle goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta Wasaaarddaasi,kuwa Dowlada Goboleedyada,Culimaa’udiin iyo Danjirayaasha Wadamada Qadar iyo Turkiga uu fadhiya Soomaaliya,iyadoo dadkii halkaasi kahadlay uu kamid aha SHeekh Bashiir Axmed Salaad guddoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ay soo jeediyeen in la kordhiyo barashada iyo fahamka micnaha Qur’aanka Kariim,islamarkaana loo dhiso xarumo lagu barto oo meelo wanaagsan kuyaala.

Cabdi Nuur Xaaji Cali oo ah madaxa Hay’adda Qadar Charity ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay Dalka ka hirgeliyeen boqolaal xaruumood oo lagu barto dugsiyada qur’aanka,islamarkaana uu yahay Qur’aanka Kariimka mid ay xooga saarayaan’isagoo ka warbixyay qabsoomidda tartankan.

“Maanta waxaa farxadweyn inoo aha in aan daah furno mashruucan tartanka qur’aan aqriska heerka Qaran ah ayna ka qeybgalayaan dowlada Goboleedyada,kaasi oo ay fulinayso wasaaradda Diinat iyo Arrimaha Owqaafta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayna maalgelinayso Hay’adda Qadar Charaty,waxaan sanadkasta xoogga saarnaa sidii tartamadan qur’aan aqriska ah loo sii ballaarin lahaa,waxaa jira in boqolaal dugsiyo qur’aan aan hirgelinay”. Ayuu yiri Cabdi Nuur.

Xasan Macalin Xuseen oo ah wasiirka Diinat iyo Arrimaha Owqaafta Dowladad Soomaaliya ayaa balanqaaday in abaalmarino la siidn doona qofkii guuleysta.

“Tartankan qur’aan aqriska ah wuxuu socondoona muddo isbuuc ah,waxaa la qaban dhoonaa markii uu dhamaado xaflad ballaaran oo ay ka soo qeybgalidoonaan madaxda sare ee dalka,waxaana lagu bixindoonaa abaalmarino”. Ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Hodan oo xaqiijiyay inay u soo gudbeen wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Shaqaale katirsan Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey+Sawirro

Next Post
Shaqaale katirsan Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey+Sawirro

Shaqaale katirsan Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey+Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In