Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare kuxigeenka Dalka”fikradaha xagjirnimada iyo kuwa dhiiga dadka banaystay waxaa looga gudbi karaa aragti midaysan+sawiro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare kuxigeenka Dalka”fikradaha xagjirnimada iyo kuwa dhiiga dadka banaystay waxaa looga gudbi karaa aragti midaysan+sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayay furitaanka tartan Qur’aan aqris heer Qaran ah oo sanadkasta la qabto ayaa siweyn ugu dheeraaday ka hadalka muhiimadda uu qur’aanka Kariimka uu u leeyahay dadka iyo  in la helo afkaar midaysan oo bulshada dhexdeedi ah si looga gudbo kala ququbnaanta.

Raiisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa soo hadal qaaday fikradaha xagjirnimada ah iyo kooxaha diinta sida qaldan u adeegsada,hadana banaystay dhiiga muslimiinta,kuwaasi oo uu sheegay in looga gudbi karo oo kaliya in la helo bulsho haysata aragtimidaysan,quraankuna uu dawo u yahay waxkasta.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Marka hadii aan xadaaran aqoon fikirmidaysan iyo fikir midaysan iyo siyaasad ku salaysan Islaamka,aan ku salaynin manhabkeyna waxbarasho,waxaan ku sii soconaynaa fikirkaa kala duwan oo qaarkayna dhiigayna banaystay qaarna ay leeyihiin ka daaya,waa in aragtida la mideeyaa hadduu rabbi idmo,lagu dadaalo in wada hadal la furo si loo saxo dadka qaldan maskaxiyan maadaama aan qori waxba lagu maquuninkarin”. Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Munaasabadda Daah furka barnaamijkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Owqaafta  ayna maalgelisay hay’adda Qadar Charity ee laga leeyahay Dalka Qadar waxaa sidoo akle goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta Wasaaarddaasi,kuwa Dowlada Goboleedyada,Culimaa’udiin iyo Danjirayaasha Wadamada Qadar iyo Turkiga uu fadhiya Soomaaliya,iyadoo dadkii halkaasi kahadlay uu kamid aha SHeekh Bashiir Axmed Salaad guddoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ay soo jeediyeen in la kordhiyo barashada iyo fahamka micnaha Qur’aanka Kariim,islamarkaana loo dhiso xarumo lagu barto oo meelo wanaagsan kuyaala.

Cabdi Nuur Xaaji Cali oo ah madaxa Hay’adda Qadar Charity ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay Dalka ka hirgeliyeen boqolaal xaruumood oo lagu barto dugsiyada qur’aanka,islamarkaana uu yahay Qur’aanka Kariimka mid ay xooga saarayaan’isagoo ka warbixyay qabsoomidda tartankan.

“Maanta waxaa farxadweyn inoo aha in aan daah furno mashruucan tartanka qur’aan aqriska heerka Qaran ah ayna ka qeybgalayaan dowlada Goboleedyada,kaasi oo ay fulinayso wasaaradda Diinat iyo Arrimaha Owqaafta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayna maalgelinayso Hay’adda Qadar Charaty,waxaan sanadkasta xoogga saarnaa sidii tartamadan qur’aan aqriska ah loo sii ballaarin lahaa,waxaa jira in boqolaal dugsiyo qur’aan aan hirgelinay”. Ayuu yiri Cabdi Nuur.

Xasan Macalin Xuseen oo ah wasiirka Diinat iyo Arrimaha Owqaafta Dowladad Soomaaliya ayaa balanqaaday in abaalmarino la siidn doona qofkii guuleysta.

“Tartankan qur’aan aqriska ah wuxuu socondoona muddo isbuuc ah,waxaa la qaban dhoonaa markii uu dhamaado xaflad ballaaran oo ay ka soo qeybgalidoonaan madaxda sare ee dalka,waxaana lagu bixindoonaa abaalmarino”. Ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Hodan oo xaqiijiyay inay u soo gudbeen wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Shaqaale katirsan Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey+Sawirro

Next Post
Shaqaale katirsan Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey+Sawirro

Shaqaale katirsan Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In