Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saddex Xisbi oo maanta la gudoonsiiyay shahaadooyinka diiwaangalinta

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Saddex Xisbi oo maanta la gudoonsiiyay shahaadooyinka diiwaangalinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saddex kamid ah ururada siyaasadeed ee dalka kajira oo kala Xisbiga Wadajir, Xisbiga Cadaalada iyo Midnimada iyo Xisbiga Samo ayay Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka gudoonsiiyeen shahaadada diiwaangalinta KMG ah ee xisbiyada kadib munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay Xarunta Guddiga ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Xasan Guutaale oo ku hadlayay magaca Xisbiyadii la diiwana galiyay ayaa xusay in muddo saddex bilood ah ay ku qaadatay inay helaan shahaadada maanta la siiyay islamarkaana ay kasoo gudbeen shuruudo adag oo kamdi ah sharciyada Axsaabta.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Anaga oo isugu jirna xildhibaano iyo siyaasiyiin magac leh ayay 3-bilood nagu qaadatay inaan kasoo gudubno shuruudaha ku xusan sharcoiga axsaabta oo ah 26-shuruudood ,mid kasta sigaar ah ayaan u dul istaagnay waxayna taas muujineysaa shaqa wanaaga Guddiga iyo howsha ay qaban doonaan Guddiga dooraashooyinka qaranka.” sidaas ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim “Xaliimo Yarey” Gudoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in Guddiga si dhow ula shaqeyn doono ururada siyaasadeed islamarkaana hada ay gacanta ku hayaan Xisbiyo kale oo la doonayo in la diiwana galiyo.

“hada waxaan gacanta ku heynaa 15-xisbi oo shuruudihii laga rabay maraya iyagana sidaan oo kale ayaan usoo bandhigi doonaa marka ay buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay ,anaga marwalba wada shaqeyn joogta ah ayaan la leenahay Xisbiyada kamana maarano ,anagoo isku duuban ayaan gaari karnaa doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020”. sidaas ayay hadakeeda sii raacisay Gudoomiye Xaliimo

Xisbiyada maanta la siiyay shahaadooyinka diiwanaghalinta KMG ah ee xisbiyada ayaa ku biiraya 7-xisbi oo hore Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ay u diiwaangaliyeen waxayna dhamaan ururada siyaasadeed shaahadada diiwaangalinta helay xaq u yeelan doonaan xuquuqaha ku cad sharciga Axsaabta.

Previous Post

Olole lagu wacyi gelinayo Ciidanka Xoogga Dalka oo la bilaabay

Next Post

Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo meel mariyay jadwalka maalmaha shaqo ee Golaha Aqalka sare+Sawirro

Next Post
Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo meel mariyay jadwalka maalmaha shaqo ee Golaha Aqalka sare+Sawirro

Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo meel mariyay jadwalka maalmaha shaqo ee Golaha Aqalka sare+Sawirro

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In