Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka hadashay dilalka lagu hayo Soomaalida

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka hadashay dilalka lagu hayo Soomaalida
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Koofun Afrika, Jamaal Maxamed Barroow oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Safaarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Soomaalida loo geysto, gaar ahaan dilalkii ugu dambeeyay ee laga beegsanayay ganacsatada Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa ugu horeyn waxaa uu xusay weeraradii sanadkii tagay lagu dilay Soomaalida ku nool Koonfun Afrika inay ahaayeen kuwa ka badan sanadahii lasoo dhaafay marka loo eego Tirada ganacsatada ee halkasi.

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

“Sanadkii tagay 2017-ka waxaa inoo soo baxday in uu yahay sanadkii ugu badnaa ee Soomaali lagu dilo dalka South Africa, tusaale ahaan hal gobol oo kaliya, waxaa lagu dilay 49 ruux inta aan liiskooda heyno taasi macaheeda waxaa uu yahay Bishiiba in la dilayay ku dhawaad afar Ruux” ayuu yiri Safiirka.

Waxaa jira walaac badan oo laga muujinayo qaabka ay u dhacayaan dilalka cusub ee Soomaalida loogu geysto dalkaan Koofur Afrika, waxana jirtay toogasho uusan dhac wehlin, taasoo ah qaab ku cusub weerarada ay geystaan kooxaha burcadda ah sida uu sheegay Danjire Jamaal Barroow. “Dilalkaasi waxaa kusoo kordhay hada oo keentay in aan saxaafada la hadalno muujina dareenka shacabkeena waxaa uu yahay, dilalka markii hore jeedo ayey lahaayeen waxaana aheyd in dhac loo geysto Soomaalida lakiin hada toogasho toos ah ayaa dhacday ayada oo aan waxna laga qaadan qofkii la dilay,waa arin ujeedo gaar ah wadata oo u baahan in la baaro”.

Waxaa uu intaasi ku daray in safaarada ay wado kulamo ay la qaadaneyso dowlada South Africa iyo hey’ada Qaxootiga aduunka qeybteeda Koofur Africa iyo Sido kal laamaha Ammaanka Dalkaan Koonfur Afrika ayna kala hadleyso sidii wax looga qaban lahaa dilalka iyo dhibaatooyinka soo cusboonaaday .

“Safaarada waxaa ay wadaaa in ay la hadasho cida arimahaan ku shaqada leh sida wasaarada arimaha gudaha,wasaarada Police-ka Dowlada Koonfur Africa,waxaa sido kale ay la fariisatay oo ay arintaan kala hadashay hey’ada qaxootiga ah UNHCR qeybteeda Wadamada Koonfurta Afrika”

Safiir Jamaal Maxamed Barroow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo direyso wafdi ka kooban wasiirro iyo xillibaanno si ay baritaan rasmi ah ugu sameeyaan dilalkan joogtada ah ee Soomaalida loogu geysto dalka Koofun Africa , iyagoo kula xisaabtami doona Dowlada Koonfur Afrika.

“Waxaan wadnaa in dowlada Soomaaliya aan ku qancino in wafdi heer wasiir iyo heer Barlamaan isugu jira iyo wafdi ka socda xafiiska xeer ilaalinta ay soo dirto si ay baritaan rasmi ah ugu sameeyaan arimahaan soo kordheen kadibna ay kala xisaabtamaan dowlada Koonfur Afrika”

Ugu dambeyn safiir Jamaal Maxaed Barrow waxaa uu sheegay in dhibaatooyin looga bixi karo wada shaqeyn buuxda oo dhax marta dhinacyada Soomaalida ee ku wada nool dalka Koofur Afrika,safaarada Soomaaliya iyo sido kale dowladda,wuxuuna ugu baaqay Soomaalida in ay u midoobaan ka hortagga dhibaatooyinka iyaga ka dhanka ah.

W/D: Cabdullaahi Amiin Qorshe

Previous Post

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo Ciidanka Xoogga isku soo dhiibay

Next Post

Xildhibaan Ubax Tahliil oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaan Ubax Tahliil oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Xildhibaan Ubax Tahliil oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb "SAWIRRO"

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In