Friday, October 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka hadashay dilalka lagu hayo Soomaalida

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka hadashay dilalka lagu hayo Soomaalida
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Koofun Afrika, Jamaal Maxamed Barroow oo shir jaraaโ€™id ku qabtay xarunta Safaarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Soomaalida loo geysto, gaar ahaan dilalkii ugu dambeeyay ee laga beegsanayay ganacsatada Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa ugu horeyn waxaa uu xusay weeraradii sanadkii tagay lagu dilay Soomaalida ku nool Koonfun Afrika inay ahaayeen kuwa ka badan sanadahii lasoo dhaafay marka loo eego Tirada ganacsatada ee halkasi.

Related posts

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

October 8, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026

โ€œSanadkii tagay 2017-ka waxaa inoo soo baxday in uu yahay sanadkii ugu badnaa ee Soomaali lagu dilo dalka South Africa, tusaale ahaan hal gobol oo kaliya, waxaa lagu dilay 49 ruux inta aan liiskooda heyno taasi macaheeda waxaa uu yahay Bishiiba in la dilayay ku dhawaad afar Ruuxโ€ ayuu yiri Safiirka.

Waxaa jira walaac badan oo laga muujinayo qaabka ay u dhacayaan dilalka cusub ee Soomaalida loogu geysto dalkaan Koofur Afrika, waxana jirtay toogasho uusan dhac wehlin, taasoo ah qaab ku cusub weerarada ay geystaan kooxaha burcadda ah sida uu sheegay Danjire Jamaal Barroow. โ€œDilalkaasi waxaa kusoo kordhay hada oo keentay in aan saxaafada la hadalno muujina dareenka shacabkeena waxaa uu yahay, dilalka markii hore jeedo ayey lahaayeen waxaana aheyd in dhac loo geysto Soomaalida lakiin hada toogasho toos ah ayaa dhacday ayada oo aan waxna laga qaadan qofkii la dilay,waa arin ujeedo gaar ah wadata oo u baahan in la baaroโ€.

Waxaa uu intaasi ku daray in safaarada ay wado kulamo ay la qaadaneyso dowlada South Africa iyo heyโ€™ada Qaxootiga aduunka qeybteeda Koofur Africa iyo Sido kal laamaha Ammaanka Dalkaan Koonfur Afrika ayna kala hadleyso sidii wax looga qaban lahaa dilalka iyo dhibaatooyinka soo cusboonaaday .

โ€œSafaarada waxaa ay wadaaa in ay la hadasho cida arimahaan ku shaqada leh sida wasaarada arimaha gudaha,wasaarada Police-ka Dowlada Koonfur Africa,waxaa sido kale ay la fariisatay oo ay arintaan kala hadashay heyโ€™ada qaxootiga ah UNHCR qeybteeda Wadamada Koonfurta Afrikaโ€

Safiir Jamaal Maxamed Barroow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo direyso wafdi ka kooban wasiirro iyo xillibaanno si ay baritaan rasmi ah ugu sameeyaan dilalkan joogtada ah ee Soomaalida loogu geysto dalka Koofun Africa , iyagoo kula xisaabtami doona Dowlada Koonfur Afrika.

โ€œWaxaan wadnaa in dowlada Soomaaliya aan ku qancino in wafdi heer wasiir iyo heer Barlamaan isugu jira iyo wafdi ka socda xafiiska xeer ilaalinta ay soo dirto si ay baritaan rasmi ah ugu sameeyaan arimahaan soo kordheen kadibna ay kala xisaabtamaan dowlada Koonfur Afrikaโ€

Ugu dambeyn safiir Jamaal Maxaed Barrow waxaa uu sheegay in dhibaatooyin looga bixi karo wada shaqeyn buuxda oo dhax marta dhinacyada Soomaalida ee ku wada nool dalka Koofur Afrika,safaarada Soomaaliya iyo sido kale dowladda,wuxuuna ugu baaqay Soomaalida in ay u midoobaan ka hortagga dhibaatooyinka iyaga ka dhanka ah.

W/D: Cabdullaahi Amiin Qorshe

Previous Post

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo Ciidanka Xoogga isku soo dhiibay

Next Post

Xildhibaan Ubax Tahliil oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Xildhibaan Ubax Tahliil oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb "SAWIRRO"

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

October 5, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In