Sunday, March 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo ku guuleysatay xalinta Caqabado soo wajahay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo ku guuleysatay xalinta Caqabado soo wajahay Jaaliyadda Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa cabasho ka muujinayay beryahan  isbedello la sheegay in lagu sameeyey qidmadda adeegga Ciqaamada dal kujoogga ee dalkaasi Suudaan oo lacago lagu kordhiyay,taasi oo ay sheegeen in  saameyn xooggan ay ku yeelatay guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Amb, Maxamed Sheekh Isxaaq oo u waramay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xal u helidda cabashooyinka ay muujiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi,kadib kulan ay la qaateen mas”uuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda ee Suudaan.

Related posts

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026

” Dhamaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Suudaan waxaan ugu bishaareyneeynaa in Safaaraddu ay ku guuleysatey in ay xal kumeel gaar ah u heshay Arrimihii beriyahaan taagnaa ee laxariirey lacagaha lagu kordhiyay iqaamada dadka haysta Baasaboorka Soomaaliga, kadib markii aan la kulaney Jihooyinkii ay khuseeysey arrintaasi”. ayuu yiri Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq oo SONNA la hadlay.

Dhanka kale Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Suudaan Mudane Mohamed sheekh isxaaq oo uu ku wehliyo uqeybsanahay arrimaha Ganacsiga Yuusuf Ahmed jeego ayaa dhawaan La kulmay maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee wadanka Suudaan Mudane Ibrahim Adalaan Ibrahim,waxayna kawada Hadleen waxyaabo khuseeya Danaha labadadal ee walaalaha ah iyo adkeynta iskaashiga,fududeynta dadka Soomaaliyeed ee dalkooda dib ugu laabanaya,maadaama Covid-19 uu dad badan xayiray.

Sidoo kale  xiriika labada wadan kulankaasi ayaa sidoo kale looga hadley in ay is dhaafsadaan khibrad iyo booqosho labada Hay’adood Soomaaliya iyo Suudan,Wuxuu Safiirka ka codsadey in ay tababaro siiyaan saraakiil ka socota Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.

Dalka Suudaan oo kamid ah wadamada Carabta oo xiriirka dhow la leh Soomaaliya waxaa kunool bulsho badan oo Soomaaliyeed,kuwaasi oo isugu jira Arday,Ganacsato iyo dad kale oo halkaasi deegaansanaya.

Tags: Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo ku guuleysatay xalinta Caqabado soo wajahay Jaaliyadda Soomaaliyeed
Previous Post

Qaramada Midoobay oo ka digtay macluul ay dunida wajaheyso

Next Post

Dood ku saabsan marxaladda kalaguurka iyo kaalinta Baarlamaanka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Dood ku saabsan marxaladda kalaguurka iyo kaalinta Baarlamaanka oo lagu qabtay Muqdisho

Dood ku saabsan marxaladda kalaguurka iyo kaalinta Baarlamaanka oo lagu qabtay Muqdisho

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda...

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu...

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In