Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo ku guuleysatay xalinta Caqabado soo wajahay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo ku guuleysatay xalinta Caqabado soo wajahay Jaaliyadda Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa cabasho ka muujinayay beryahan  isbedello la sheegay in lagu sameeyey qidmadda adeegga Ciqaamada dal kujoogga ee dalkaasi Suudaan oo lacago lagu kordhiyay,taasi oo ay sheegeen in  saameyn xooggan ay ku yeelatay guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Amb, Maxamed Sheekh Isxaaq oo u waramay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xal u helidda cabashooyinka ay muujiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi,kadib kulan ay la qaateen mas”uuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda ee Suudaan.

Related posts

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026

” Dhamaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Suudaan waxaan ugu bishaareyneeynaa in Safaaraddu ay ku guuleysatey in ay xal kumeel gaar ah u heshay Arrimihii beriyahaan taagnaa ee laxariirey lacagaha lagu kordhiyay iqaamada dadka haysta Baasaboorka Soomaaliga, kadib markii aan la kulaney Jihooyinkii ay khuseeysey arrintaasi”. ayuu yiri Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq oo SONNA la hadlay.

Dhanka kale Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Suudaan Mudane Mohamed sheekh isxaaq oo uu ku wehliyo uqeybsanahay arrimaha Ganacsiga Yuusuf Ahmed jeego ayaa dhawaan La kulmay maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee wadanka Suudaan Mudane Ibrahim Adalaan Ibrahim,waxayna kawada Hadleen waxyaabo khuseeya Danaha labadadal ee walaalaha ah iyo adkeynta iskaashiga,fududeynta dadka Soomaaliyeed ee dalkooda dib ugu laabanaya,maadaama Covid-19 uu dad badan xayiray.

Sidoo kale  xiriika labada wadan kulankaasi ayaa sidoo kale looga hadley in ay is dhaafsadaan khibrad iyo booqosho labada Hay’adood Soomaaliya iyo Suudan,Wuxuu Safiirka ka codsadey in ay tababaro siiyaan saraakiil ka socota Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.

Dalka Suudaan oo kamid ah wadamada Carabta oo xiriirka dhow la leh Soomaaliya waxaa kunool bulsho badan oo Soomaaliyeed,kuwaasi oo isugu jira Arday,Ganacsato iyo dad kale oo halkaasi deegaansanaya.

Tags: Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo ku guuleysatay xalinta Caqabado soo wajahay Jaaliyadda Soomaaliyeed
Previous Post

Qaramada Midoobay oo ka digtay macluul ay dunida wajaheyso

Next Post

Dood ku saabsan marxaladda kalaguurka iyo kaalinta Baarlamaanka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Dood ku saabsan marxaladda kalaguurka iyo kaalinta Baarlamaanka oo lagu qabtay Muqdisho

Dood ku saabsan marxaladda kalaguurka iyo kaalinta Baarlamaanka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In