Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee Switzerland oo billoowday bixinta Baasaboorka Soomaaliga “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya ee Switzerland oo billoowday bixinta Baasaboorka Soomaaliga “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliya ee Switzerland ayaa si rasmi ah u billaawday in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku  nool  Magaaladda Geneva ee dalkaasi ay siiso Baasaboorka Soomaaliga oo ka mid ah adeegyada ay baahida weyn u qabeen jaaliyadda ku dhaqan dalkasi, iyadoo muwaadiniinta ay soo dhaweeyeen helitaanka baasaboorka Soomaaliga.

Cabduqaadir Maxamed Xuseen Barqadle oo ah Xoghayaha 1-aad ee Safaaradda iyo Saalax Abuukar Madani la taliyaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay dalka Switzerland ayaa sheegay in howlaha bixinta Baasaboorka ay sidii loogu talagalay ay usocdaan .

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

“10 bishaan Maarso ayaan billaawnay inaan  bixinno adeegga Baasaboorka ,dadkuna waxa ay billaabeen in ay iskuwargeliyaan isuguna hambalyeeyaan helitaanka basaboork Soomaaliga,  inagoo u diyaar ah inaan daboolno baahidda muwaadiniinta Soomaaliyeed ”. sidaas waxaa yiri Xoghaya Safaaradda Cabduqaadir Maxamed Xuseen Barqadle.

Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raciyay “Arrintaan waxaa ay ka dambeysay ka dib markii ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya ay sheegtay in la ballaarinayo adeegyada Baasaboorka si loo gaarsiiyo dhammaan Soomaalida meel walbo oo ay dunida kaga suganyihiin”.

Soomaalida ku nool dalka ee Switzerland ayaa hore adeeggaan u aadi jireen waddamo uu ka mid yahay  dalka Belgumka si ay u helaan Baasaboorka Soomaaliga, hase yeeshee wixii waqtigaan ka dambeeyo si fudud ayay uga heli karaan Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay Magaaladda Geneva ee dalka Switzerland.

 

Previous Post

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo tababar loogu soo xiray Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho 19. 3. 2020

Next Post
Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho 19. 3. 2020

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho 19. 3. 2020

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In