Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya ee Switzerland oo billoowday bixinta Baasaboorka Soomaaliga “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya ee Switzerland oo billoowday bixinta Baasaboorka Soomaaliga “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliya ee Switzerland ayaa si rasmi ah u billaawday in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku  nool  Magaaladda Geneva ee dalkaasi ay siiso Baasaboorka Soomaaliga oo ka mid ah adeegyada ay baahida weyn u qabeen jaaliyadda ku dhaqan dalkasi, iyadoo muwaadiniinta ay soo dhaweeyeen helitaanka baasaboorka Soomaaliga.

Cabduqaadir Maxamed Xuseen Barqadle oo ah Xoghayaha 1-aad ee Safaaradda iyo Saalax Abuukar Madani la taliyaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay dalka Switzerland ayaa sheegay in howlaha bixinta Baasaboorka ay sidii loogu talagalay ay usocdaan .

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“10 bishaan Maarso ayaan billaawnay inaan  bixinno adeegga Baasaboorka ,dadkuna waxa ay billaabeen in ay iskuwargeliyaan isuguna hambalyeeyaan helitaanka basaboork Soomaaliga,  inagoo u diyaar ah inaan daboolno baahidda muwaadiniinta Soomaaliyeed ”. sidaas waxaa yiri Xoghaya Safaaradda Cabduqaadir Maxamed Xuseen Barqadle.

Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raciyay “Arrintaan waxaa ay ka dambeysay ka dib markii ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya ay sheegtay in la ballaarinayo adeegyada Baasaboorka si loo gaarsiiyo dhammaan Soomaalida meel walbo oo ay dunida kaga suganyihiin”.

Soomaalida ku nool dalka ee Switzerland ayaa hore adeeggaan u aadi jireen waddamo uu ka mid yahay  dalka Belgumka si ay u helaan Baasaboorka Soomaaliga, hase yeeshee wixii waqtigaan ka dambeeyo si fudud ayay uga heli karaan Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay Magaaladda Geneva ee dalka Switzerland.

Previous Post

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo tababar loogu soo xiray Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho 19. 3. 2020

Next Post
Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho 19. 3. 2020

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho 19. 3. 2020

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In