Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safarada Somaliyeed ee Wadanka Malaysia oo Deeq Raashin Ah ugu deeqday Qoysas Qaxooti ku ah Wadanka Malaysia “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Safarada Somaliyeed ee Wadanka Malaysia oo Deeq Raashin Ah ugu deeqday Qoysas Qaxooti ku ah Wadanka Malaysia “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Wadanka Malaysia Danjire Abuukar Cabdi Cismaan “Mardaadi” oo u wehliyo Xoghayaha saddexaad Mudane Aweys Abshir Diiriye iyo qaar ka mid ah howlwadeenada safaaradda ayaa maanta deeq raashin ah soo gaarsiyay in ka badan 700 Qoys oo ka mid qoysaska Soomaaliyeed ee Qaxootinimada ugu nool Wadanka Malaysia.

 

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Deeqdaan ayaa noqonayso deeqdii ugu horeysay oo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Malaysia soo gaarta, iyadoo ugu timid safaaradda Soomaaliyeed ee wadanka Malaysia. waxayna ku soo aadaysaa iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo ah bil ay bulshada Soomaaliyeed ay garab istaag u muujiyaan kuwooda jilicsan.

Safiirka Soomaaliya ee wadanka Malaysia Danjire Abuukar Cabdi Cisman ayaa mar uu ka hadlayay munasabada deeqda lagu gudoonsiinayay todobada boqol ee qoys, wuxuu balan qaaday in aysan noqon doonin deeqdii ugu danbaysay, balse ay noqon doonto mid bilaw u ah oo inta lagu jiro bisha barakaysan iyo wixii ka danbeeyaba ahaan doonto mid joogta ah, waxay ku qaatataba. Wuxuuna sidoo kale balan qaaday in uu si dhaw ugu war hayn doona baahiyaha gaarka ah ee muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Malaysia.

Mid ka mid ah hooyooyinka nasiibka u yeeshay in ay deeqda guddooman maanta oo ka hadashay munasabadda ayaa amaan iyo ducaba iskugu darday howlwadeenada safaaradda oo uu ugu horeeyo Safiirka Safaradda Danjire Abuukar Cabdi Cisman iyo dowladooda.

“Wadankaan waxaa ku noolahay sagaal sano, Safaradda Soomaaliyeed ee wadanka waxay shaqaynaysaa lix sanadood, weligeen maan arag safiir ka socda safaradda marka laga reebo Ambassador Abuukar “Mardaadi”, oo intuu kursigii uu ku shaqeenayay ka soo kacay, nala dareemay culeesyada na heesta guryaheena nagu soo booqday, weliba gacmihiisa nagu guddoonsiinayay deeqda uu inoo soo gartay in uu na soo gaarsiiyo, weliba anagoo filanaynin taasi oo farxad nagu abuurtay” ayay tiri Hooyo Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay oo ay Safaaradda Soomaaliyeed Deeq raashin ah soo gaarsiiso qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadanka Malaysia bisha barakaysan ee Ramadaan, iyadoo hore deeqo iyo agab waxbarasho soo gaarsiin jirtay carruurta qaxootiga ah si ay waxbarasho u helaan.

Wadanka Malaysia ayaa marti galinaya qaxooti aad u fara badan oo wadamo kala duwan ka yimid, haba ugu badnaadan Wadamada ay colaadaha ka jiraan, waxayna qaxootiga Soomaaliyeed ee ka mid ah qaxootiyadaas ay ugu duwan yihiin kuwa kale in ay garab istaag buuxa ka helaan safaradooda, halka kuwa kale ay wax ka sugaan hay’adaha Qaramada Midoobay.

Previous Post

Ciidamada Dowladda oo soo qabtay dhagarqabe ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab

Next Post

Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo soo saartay warbixin bileedka tusaha sicirka Badeecadaha

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay qaraxii Argagixisada ay la beegsadeen goobo Rayid

Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo soo saartay warbixin bileedka tusaha sicirka Badeecadaha

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In