Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay laguna soo dhaweynayay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Kenya, mas’uuliyiin hore iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay.
Xaaji Cabdi Madoobe Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Ganacsatada Islii oo ku hadlayay magaca guddiga ayaa xusay inay soo dhaweynayaan Safiirka, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.
Xildhibaan Hodan Cismaan oo laga soo doorto Minnesota, Xildhibaan Yuusuf Xasan iyo Xildhibaan Aadan Keynaan oo ka mid ah Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Safiirka uu ku soo beegmay waqtigii ugu haboonaa, ayna ku kalsoonyihiin inuu xoojin doono xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa si wada jir ah u xusay inay la shaqeynayaan Safiirka
Prof Cali Maxamed Geeddi Ra’iisul Wasaarihii hore, Danire Salaad Cali Jeele Safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Mudane Saadaad Caliyow ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in la xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya
Ugu dambeyn Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle oo xafladda soo dhaweynta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii loo furi lahaa xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya.
Danjire Jabriil mar uu ka hadlayay howlaha Safaaradda iyo adeegyada ay bulshada u qabaneyso ayaa tibaaxay in wax badan lagu soo kordhin doono howlaha Safaaradda.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa daboolka ka qaaday in guddiga ganacsatada Islii ay kala shaqeyn doonaan hanaanka qurba joogta Soomaaliyeed ay u maalgashan lahaayeen dalka Kenya.