RADIO MUQDISHO(Belarus):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, isla markaana ah safiirka aan joogtada ahayn ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Belarus, ayaa maanta si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Belarus, Alexander Lukashenko.
Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Belarus ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Belarus iyo diblomaasiyiin kale.
Safiirka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Belarus gaarsiiyay salaam iyo fariin rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasoo ku saabsan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal.











