Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Danjire Cabdulahi Warfaa ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska dhalashada Nabigeenna NNKH oo si weyn dunida Muslimka looga weyneynayo.
Danjire Warfaa ayaa yiri “Waxaan dhammaan Muslimiinta gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa, xuska dhalasha Nebigeenna NNKH. Oo ah maalin weyn oo ay tahay inaan kaga faa’iidaysanno sadaqo, caawinta masaakiinta, Alle dalkeenna in aan kaga barinno amni iyo barwaaqo. Dalkeena oo nabad ah iyo dadkeena oo barwaaqo ku nool”.