Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qeybgalay furitaanka Muctamarka weyn ama shirweynaha Islaamka ee sanadkan 2024. Shirkaan oo halku dhigiisa hoose ahaa “Socdaalka Iimaanka” ama waxa luuqada ingiriiska lagu yiraahdo “Journey of Faith”. ayaa waxaa lagu qabtay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.
Waa markii labaad oo Danjire Jabriil lagu marti qaado xafladan qiimaha badan, Shirkanina waa mid meel muhiim ah kaga jira taariikhda (Calendar) islaamka ee gobolka Bariga Afrika.
Shirkan ayaa sanadkan waxa uu yahay mid aad muhim ugu ah dadka Islaamka ee ku dhaqan dalka Kenya, gaar ahaan Jaaliyadda Soomalida maadaama oo ay ka soo qeyb galeen culumaa’udiinka deegaanka ka soo jeeda, sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay dad caan ah oo ku caan baxay aqoonta diinta Islaamka oo uu ka mid yahay walaalkeen Dr. Zakir Naik oo ka soo qeyb galkiisa uu qabsaday warbaahinta dalka Kenya oo dhan.
In ka badan 20,000 ayaa maanta goobjoog ku ahaa meeshii uu ka dhacayay shirweynaha, iyada oo malaayiin kale ay si toos ah uga daawanayaan TV-ga Nabadda (Peace TV), kulankan shanta maalmood soconaya ayaa kulminaya aqoonyahanno, hoggaamiyeyaasha diinta oo kala socda Daafaha adduunka oo dhan.
Danjire Jabriil ayaa u mahadceliyay qaban-qaabiyaasha shirkan. Dadaalkooda, himiladooda, iyo dadaalka hagar la’aanta ah oo ay ku horumarinayaan qiyamka Islaamka.