Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Masar oo booqday dhaawacyada qaraxii Soobe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Masar oo booqday dhaawacyada qaraxii Soobe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys oo ay wehlinayaan ku-xigeenkiisa Ilyaas Sheekh Cumar iyo Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah mudanyaasha Aqalka sare ayaa maanta booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay qaraxii 14ki October ka dhacay Ex-Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Bukaanada qaba dhaawacyada oo tiradooda gaareysa 15 ruux aya habeenimadii Sabtida gaaray caasimada Masar ee Qaahira, waxana lagu dhabiibayaa afar isbitaal oo ay lee yihiin ciidamadda militeriga Masar.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026

Mas’uuliyiinta ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Isbitaalada waxayna xog-wareysteen bukaanada iyo howlwadeenada caafimaad ee Isbitaalada ku sugan.

Maxamed Macalin Xasan oo ka mid ah bukaanada jiifa Isbitaalka ayaa iiga warbixiyay xaaladiisa caafimaad, isagoo u mahad celiyay Madaxda Qaranka, Mas’uuliyiinta Safaaradda iyo dowladda Masar ee caawimaada u fidisay.

“Aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinaya Dowladda Masar iyo dhaqaatiirta Isbitaalka, si fiican ayey inoo soo dhaweeyen weyna nala tacaaleen, Safaaradda oo nasoo booqatay maanta, ayagana waa ugu mahadcelinayna Safaaradeena waxa ay ku dadaalayan inaan caafimaad taam helno, sidoo kale waxaan u mahadcelinaya Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Mudane Xasan Cali Kheyre iyo labada gudoomiye ee aqalka sare iyo Golaha Baarlamaanka shacabka waxay naga caawiyeen sidii dalka dibadiisa naloogu so daaweyn lahaa waxan alle uga baryaya inu howsha ay ino hayaan u fududeeyo waxaana lee yahay guuleysta mudanayaal.,”

Safiirka Soomaaliya ee Masar Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys ayaa dowladda Masar uga mahadceliyay gurmadka ay u fidisay Soomaaliya, waxaana uu sheegay in safaaradda ay gudaneyso waajibaadkeeda Qaran isla markaana ay mas’uuliyad balaarani ka saarantahay, ka warqabidda iyo u adeegida bukaanada.

“Maanta waxa ino suurta gashay inan soo booqano dhaawacyadii dhawaan laga keenay soomaaliya caasimada muqdisho kuwaaso gaaraya 15 ruux waxana lagu soo qaaday diyaarad ay leeyihiin ciidamada militeriga Masar, sidoo kale waxa hada lagu dabiibaya isbitaalada ciidamada militeriga oo dowladda Masar ay ka faalo qaaday” ayuu yiri Danjire Cabdiqani.

Safiirka ayaa intaa ku daray “Anigoo ku hadlaya afka shacabka Soomaaliyeed waxaan u mahadcelinaya dowladda Masar oo inoo fidisay gurmadka mar walbana garab taagan dalkeenna, safaaradda waxa ka go’an iney waajibaadkeeda Qaran kaso baxdo oo dhaawacyada ku jira isbitaalada aan u qabano adeegyada ay nooga baahan yihiin”.

Sabtidii ayey ahayd markii magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya ay gaartay diyaarad weyn oo ciidamada militariga dalkani Masar ay leeyihiin, taasi oo siday shixnad dawo iyo qalab caafimaad ah, waxayna soo qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

W/D Wariye Mowliid Moha

 

Previous Post

Duqeyn lagu bartilmaameedsaday Saldhig maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahaayeen Hiiraan

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In