Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo cambaareeyay Markab sida Dhuxul oo ku xirtay Ciraaq

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo cambaareeyay Markab sida Dhuxul oo ku xirtay Ciraaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan Baale oo war-saxafadeed soo saaray ayaa xaqiijiyay iney si qoto dheer kaga wallaacsan yihiin markab ay ku raran yihiin 200,000 Kiish oo dhuxul ah oo ka soo shareecday mid ka mid ah Dekadaha Koonfurta Soomaaliya,kaasi oo ku xirtay Dekadda Ciraaq ee Umm Qasri.

 

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Safiirka ayaa cambaareeyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh dhoofinta sharci darada ee dhuxusha Soomaaliya,wuxuuna sheegay in arrintaan dhibaato ku tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, maaddaama dhoofinta dhuxusha ay tahay ish ugu weyn ee dhaqaalaha uu ka soo gelo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Al-Qaa’ida.

Markabka ayaa la sheegay inuu wato Document been abuur ah oo muujinaya inuu ka yimid dalka Chana.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday xukuumadda Ciraaq inay dedejiso baaritaannada ayna qaado tallaabo lagu cadeynayo Kiiska Markabka.

Soomaaliya waxay si isku mid ah ugu baaqaysaa dhammaan saaxiibbada iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah inay taageeraan dadaallada looga hortagayo ka ganacsiga sharcidarada ah iyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

 

Previous Post

Shirka Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Looga Hadlay Dawlad-wanaagga iyo Doorashooyinka 2020 “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay deegaanno hoostaga Jubbada Hoose

Next Post
Ciidanka gaarka ah ee DANAB  oo Howlgalo ka sameeyey qeybo kamid ah Gobollada Jubbooyinka “SAWIRRO”

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay deegaanno hoostaga Jubbada Hoose

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In