Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo lagu xoojinayay Doorka QM

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo lagu xoojinayay Doorka QM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman Abdi, ayaa si rasmi ah uga qeyb qaadatay shir caalami ah oo lagu qabtay magaalada Beijing, kaasoo lagu taageerayay xoojinta doorka Qaramada Midoobay (UN) iyo horumarinta nidaamka multilateralism-ka (wadajir-dhawrka caalamiga ah).

Shirkaan, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha, ayaa waxaa ka qaybgalay madax sare oo ka socday waddamada xubnaha ka ah UN-ka, khubaro caalami ah, iyo mas’uuliyiin ka kala yimid hay’adaha muhiimka ah ee caalamka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

Shirka waxaa si rasmi ah u furay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha, Mudane Miao Deyu. Sidoo kale, madasha waxaa ka hadleen Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Guy Ryder, iyo diblomaasiyiin badan oo metelayay dowlado iyo hay’ado kala duwan.

Safiir Hodan Osman Abdi ayaa ka mid ahayd diblomaasiyiinta madasha ka jeediyay hadallo muhiim ah. Waxa ay si cad u muujisay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay doorka Qaramada Midoobay iyo horumarinta wadajirka caalamiga, iyadoo Soomaaliya ay aragto in xoojinta nidaamka UN-ka uu yahay fure muhiim ah oo nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay. Safiir Hodan ayaa si gaar ah diiradda u saartay:

1. Baahida loo qabo iskaashi dhab ah oo lagu wajaho caqabadaha caalamiga, iyadoo ku boorrisay in xal waara lagu gaari karo keliya marka laga wada shaqeeyo si hufan oo kalsooni ku dhisan.

2. Doorka UN-ka ee horumarinta nabadda iyo xasilloonida, iyadoo xustay in Qaramada Midoobay ay tahay hay’ad muhiim u ah dheelitirka danaha caalamka.

3. Aragtida Soomaaliya, iyadoo caddeysay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda nidaamka Qaramada Midoobay iyo doorkeeda diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo xiriirka dalalka caalamka.

“Waxaan rumeysanahay in iskaashi waxtar leh oo ku saleysan qiyamka ay UN-ku taagan tahay uu yahay furaha xal u helidda caqabadaha dunida ka taagan,” ayey tiri Safiir Hodan Osman Abdi, iyadoo ka hadleysay doorka muhiimka ah ee ay Soomaaliya diyaar u tahay inay ka qaadato isbeddelka caalamiga.

Shirkan ayaa loo arkay mid muhiim u ah dadaallada ay Shiinuhu ku xoojinayso doorka Qaramada Midoobay, gaar ahaan xilligan ay dunidu wajahayo isbeddello siyaasadeed, khilaafaad hubeysan, iyo caqabado hor leh oo xagga ammaanka, horumarka, iyo isbedelka cimilada ah.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah Argagixisada

Next Post

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Next Post
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In