Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Danjire Maxamed Sheekh Isaaqย ayaa maanta la kulmey Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Suudaan Gen. Yaasiin Ibrahim Yaasiin Abdulhadi.
Kulankan oo ahaa mid mirodhal ah ayaa lagu xoojinayay xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya labada dowladoo,ย waxaana looga hadley sidii ay isaga kaashanlahaayeen arimo kaladuwan ee kusaabsan danaha labada dawladood ee walaalaha ah gaar ahaan la degaalanka Argigixisada.
Dhinaca kale Danjire Maxamed Sheekh Isaaq oo saxaafada lahadlayay kulanka kadib ayaa sheegey in dawlada Suudaan uu uga warbixiyay talaabooyinka ay qaadey Xukuumadda cusub ee ku aadan horumarka dalka iyo kacdoonka Shacabka oo looga xureeynayo dalka cadowga Ummadda Soomaaliyeed, kaas oo ka bilowday dhamaan gobalada dalka Soomaaliya, iyo baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaan in aan lookala harinย degaalka ururka argigisada ee Al-Shabaab.
Ugu danbeeyntii Danjiraha wuxuu xusey in sidoo kale kulanka lagu dardar gelinayayย siyaasadda cusub ee Xukuumadda uu hogaamiyo Raโisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo degaalka lagula jiro kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab. Wuxuuna gondhig u ahaa iskuxirka iyo wadashaqeeynta Wasaaradda gaashaandhiga Somaaliya iyo Wasaaradda gaashaandhiga ee Suudaan.