Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Roma. 28.March. 2015 ….Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Danjire Muuse Xasan Cabdulle oo maanta War qoraal ah kasoo saaray Xafiiskiisa ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii wuxuushnimada ahaa ee Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Hoteelka Makka Al-mukarramaha ee magaalada Mudisho, kaasoo ay ku laayeen dad u badnaa shacab oo ku sugnaa gudaha hoteelka.

Danjiraha ayaa ugu horeyn isagoo ku hadlaya magaca safaaradda ,howlwadeennada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga tacsi ugu diray shaciga Soomaaliyeed ee ku geeriyoodey weerarkaasi, waxa uuna Alle uga baryey kuwii ku dhaawacmay inuu Eebbe si deg deg ah u bogsiiyo.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Safiir Muuse Xasan ayaa  si gaar ah tacsi ugu direy ehellada iyo dhammaan Ummadda Soomaliyeed ee uu ka geeriyoodey danjirihi Soomaaliya u fadhiyey xarunta xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobey ee Genève, Marxuun Yuusuf Bari bari oo kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarka hotelka, waxa uuna ku amaanay safiirku inuu ahaa wadani jecel dalkiisa oo firfircoon, isla markaana si daacad ah ugu adeegi jiray bulshadiisa.

Ugu dambeynti Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga Muuse Xasan Cabdulle ayaa ku ammaanay Ciidamada qalabka sida doorkii ay ka qaateen so afjarista howlgalki ay ka sameeyeen Hoteelka, kaasoo ay ku khaarijiyeen dhammaan dhagar qabayaashii ka dambeeyey fulinta weerarka iyo soo badbaadintii ay cadowga ka soo badbaadiyeen dad badan oo ku xayirnaa gudaha Hoteelkaas.

 

 

 

Previous Post

Shir looga hadlayay amniga Soomaaliya oo lagu soo gabo gabeeyay Denmark “SAWIRRO”

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo ka qayb galay Dood cilmiyeed looga hadlayay dhibaatooyinka Tahriibka ”SAWIRO”

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo ka qayb galay Dood cilmiyeed looga hadlayay dhibaatooyinka Tahriibka ”SAWIRO”

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo ka qayb galay Dood cilmiyeed looga hadlayay dhibaatooyinka Tahriibka ''SAWIRO''

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In