Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Roma. 28.March. 2015 ….Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Danjire Muuse Xasan Cabdulle oo maanta War qoraal ah kasoo saaray Xafiiskiisa ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii wuxuushnimada ahaa ee Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Hoteelka Makka Al-mukarramaha ee magaalada Mudisho, kaasoo ay ku laayeen dad u badnaa shacab oo ku sugnaa gudaha hoteelka.

Danjiraha ayaa ugu horeyn isagoo ku hadlaya magaca safaaradda ,howlwadeennada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga tacsi ugu diray shaciga Soomaaliyeed ee ku geeriyoodey weerarkaasi, waxa uuna Alle uga baryey kuwii ku dhaawacmay inuu Eebbe si deg deg ah u bogsiiyo.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Safiir Muuse Xasan ayaa  si gaar ah tacsi ugu direy ehellada iyo dhammaan Ummadda Soomaliyeed ee uu ka geeriyoodey danjirihi Soomaaliya u fadhiyey xarunta xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobey ee Genève, Marxuun Yuusuf Bari bari oo kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarka hotelka, waxa uuna ku amaanay safiirku inuu ahaa wadani jecel dalkiisa oo firfircoon, isla markaana si daacad ah ugu adeegi jiray bulshadiisa.

Ugu dambeynti Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga Muuse Xasan Cabdulle ayaa ku ammaanay Ciidamada qalabka sida doorkii ay ka qaateen so afjarista howlgalki ay ka sameeyeen Hoteelka, kaasoo ay ku khaarijiyeen dhammaan dhagar qabayaashii ka dambeeyey fulinta weerarka iyo soo badbaadintii ay cadowga ka soo badbaadiyeen dad badan oo ku xayirnaa gudaha Hoteelkaas.

Previous Post

Shir looga hadlayay amniga Soomaaliya oo lagu soo gabo gabeeyay Denmark β€œSAWIRRO”

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo ka qayb galay Dood cilmiyeed looga hadlayay dhibaatooyinka Tahriibka ”SAWIRO”

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo ka qayb galay Dood cilmiyeed looga hadlayay dhibaatooyinka Tahriibka ”SAWIRO”

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo ka qayb galay Dood cilmiyeed looga hadlayay dhibaatooyinka Tahriibka ''SAWIRO''

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In