Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Uganda Mudane Jacob L. Oulanyah, iyagoo ka wada hadlay xariirka labada dal gaar ahaan labada Baarlamaan iyo sidii iskaashi loo sameyn lahaa labada dhinac.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Uganda ayaa xafiiska ku soo dhaweeyay safiirka Soomaaliya, isagoo sheegay in xariir wanaagsan oo labada dal u dhaxeeyo uu jiro gaar ahaan labada baarlamaan oo dowladda Uganda marar badan tababaro u sameysay baarlamaanada maamul goboleedyada dalkeena Soomaaliya.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jacob L. Oulanyah, ayaa sheegay in Soomaaliya uu tagay sanadkii 2007-dii markaas uu Soomaaliya ka soo bixiyay tababar ku saabsanayaa dowladda wanaagga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay shacabka Soomaaliya iyo kan Uganda uu leeyahay xariir soo jireen ah oo labada dhinac ah, iyadoo shacabka u dhaxeyn wax kala duwanaan ah oo hal meel kawa adeegtaan hal meelna wax ka wada cunaan.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda Uganda ay mar walba diyaar u tahay in ay garab istaagto dowladda Soomaaliya.

Safiir Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ), ayaa dhankiisa ka warbixiyay xaaladda dalka iyo horumarka uu ku talaabsaday muddooyinkii ugu dambeeyay iyo doorashooyinka ka socda dalkeena Soomaaliya.

Danjire Cagabaruur ayaa uga mahadnaqay sida Dowladda Uganda ay u martigalisay jaaliyadda ugu badan ee ku nool dalkan Uganda iyagoo dareemayn in ay joogaan qorbe, ayna yihiin ganacsato, arday, dad deegaan ah iyo qaxooti,  ganacsataduna ay yihiin kuwa aad uga muuqda gudaha Uganda ayna yihiin kuwo leh shirkadaha ugu waa wayn ee Uganda.

Safiir Cagabaruur ayaa ugu gudoomiyaha baarlamaanka Uganda ugu hambelyeeyay guusha uu ka gaaray doorashii dib loogu soo doortay, isagoo Danjiruhu ku martiqaaday gudoomiyaha in uu booqdo dalkeena Soomaaliya si uu u soo arko horumarka dalkeena, dhankiisa Gudoomiyahana uu aqbalay in Soomaaliya booqdo.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha Baarlamaamka ayaa guddoonsiiyay safiirka Soomaaliya ee Uganda hadiyado sharafeed, isagoo kulanka ku soo idlaaday is afgarad.

Previous Post

Maxay ka wadahadleen guddoomiye Cirro iyo James Swan?

Next Post

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Xorgoble ka bilawday bixinta talaalka Covid-19

Next Post
Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Xorgoble ka bilawday bixinta talaalka Covid-19

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Xorgoble ka bilawday bixinta talaalka Covid-19

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In