Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Uganda Mudane Jacob L. Oulanyah, iyagoo ka wada hadlay xariirka labada dal gaar ahaan labada Baarlamaan iyo sidii iskaashi loo sameyn lahaa labada dhinac.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Uganda ayaa xafiiska ku soo dhaweeyay safiirka Soomaaliya, isagoo sheegay in xariir wanaagsan oo labada dal u dhaxeeyo uu jiro gaar ahaan labada baarlamaan oo dowladda Uganda marar badan tababaro u sameysay baarlamaanada maamul goboleedyada dalkeena Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jacob L. Oulanyah, ayaa sheegay in Soomaaliya uu tagay sanadkii 2007-dii markaas uu Soomaaliya ka soo bixiyay tababar ku saabsanayaa dowladda wanaagga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay shacabka Soomaaliya iyo kan Uganda uu leeyahay xariir soo jireen ah oo labada dhinac ah, iyadoo shacabka u dhaxeyn wax kala duwanaan ah oo hal meel kawa adeegtaan hal meelna wax ka wada cunaan.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda Uganda ay mar walba diyaar u tahay in ay garab istaagto dowladda Soomaaliya.

Safiir Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ), ayaa dhankiisa ka warbixiyay xaaladda dalka iyo horumarka uu ku talaabsaday muddooyinkii ugu dambeeyay iyo doorashooyinka ka socda dalkeena Soomaaliya.

Danjire Cagabaruur ayaa uga mahadnaqay sida Dowladda Uganda ay u martigalisay jaaliyadda ugu badan ee ku nool dalkan Uganda iyagoo dareemayn in ay joogaan qorbe, ayna yihiin ganacsato, arday, dad deegaan ah iyo qaxooti,  ganacsataduna ay yihiin kuwa aad uga muuqda gudaha Uganda ayna yihiin kuwo leh shirkadaha ugu waa wayn ee Uganda.

Safiir Cagabaruur ayaa ugu gudoomiyaha baarlamaanka Uganda ugu hambelyeeyay guusha uu ka gaaray doorashii dib loogu soo doortay, isagoo Danjiruhu ku martiqaaday gudoomiyaha in uu booqdo dalkeena Soomaaliya si uu u soo arko horumarka dalkeena, dhankiisa Gudoomiyahana uu aqbalay in Soomaaliya booqdo.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha Baarlamaamka ayaa guddoonsiiyay safiirka Soomaaliya ee Uganda hadiyado sharafeed, isagoo kulanka ku soo idlaaday is afgarad.

Previous Post

Maxay ka wadahadleen guddoomiye Cirro iyo James Swan?

Next Post

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Xorgoble ka bilawday bixinta talaalka Covid-19

Next Post
Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Xorgoble ka bilawday bixinta talaalka Covid-19

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Xorgoble ka bilawday bixinta talaalka Covid-19

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In