Wednesday, July 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Uganda “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Uganda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka J. F. Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa kulan la qaatay maanta Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Uganda Mudane Alhaji Abubakar Jeje Odongo, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda iyo Wasiirka arrimaha dibadda Uganda ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha la xariirara ganacsiga labada dal, socdaalka, tababaro la siiyo diblumaasiyiinta iyo xaaladda Soomaalida ku nool Uganda iyo amniga guud ee ee gobolka geeska Afrika iyo sameynta guddi joogta ah oo wadareed ah oo ka shaqeeya xariirka labada dal (JPC)

Related posts

Madaxweynaha JFS oo saxiixay buugga tacsida Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynaha JFS oo saxiixay buugga tacsida Imaam Maxamed Yuusuf Cali

July 15, 2026
Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Qoyska oo Daah-furtay Tababar Lagu Xoojinayo Hoggaaminta Haweenka

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Qoyska oo Daah-furtay Tababar Lagu Xoojinayo Hoggaaminta Haweenka

July 15, 2026

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Cagabaruur ayaa Wasiirka kala hadlay in wax laga qabto arrinka socdaalka Soomaalida ee Uganda imaanaya iyo sidii loogu fududeen lahaa dhanka socdaalka oo ugu horreeyo dal ku galka labada dal.

Safiir Cali Cagabaruur ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay xaaladda Soomaalida Uganda ku nool oo ah jaaliyad ballaaran oo ka muuqata gudaha dalkan Uganda loona fududeeyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ayna ugu horeyso daganaashaha shaqada, ardaydnimada iyo IWM.

Wasiirka arrimaha dibadda Uganda Alhaji Abubakar Jeje Odongo ayaa isagana dhankiisa soo dhaweeyay qodobada laga hadlay,isagoo xusay in dhawaan Wasaaradda arrimaha dibadda Uganda kasoo saari doonto go’aano waxii maanta labada mas’uul ka wada hadleen.

Wasiiir Jeje ayaa balan qaaday in dhawaan u diri doonaan Macalimiin tababar ka bixin doona machadka tababarka Diblumaasiyiinta Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa waday maalmahan kulamo uu la yeelanayo madaxda kala duwan ee dalka Uganda, iyadoo kulamaas ujeedadooda ahayd sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal.

Previous Post

Ololaha Dhir beerista iyo Bilic soo celinta oo laga daah furay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post

Wasiir Xaniifa oo daahfurtay barnaamij waxtar u leh Gabdhaha Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir Xaniifa oo daahfurtay barnaamij waxtar u leh Gabdhaha Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Wasiir Xaniifa oo daahfurtay barnaamij waxtar u leh Gabdhaha Soomaaliyeed "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo saxiixay buugga tacsida Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynaha JFS oo saxiixay buugga tacsida Imaam Maxamed Yuusuf Cali

July 15, 2026
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta booqday hoyga ay taalo Gogosha Tacsida Alle ha u naxariistee...

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Qoyska oo Daah-furtay Tababar Lagu Xoojinayo Hoggaaminta Haweenka

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Qoyska oo Daah-furtay Tababar Lagu Xoojinayo Hoggaaminta Haweenka

July 15, 2026
0

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Maxamed Nuur, ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxa ay murugada la qeybsaneyaan Walaalahooda Qatar”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxa ay murugada la qeybsaneyaan Walaalahooda Qatar”

July 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee magaalada Muqdisho,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Khudbad ka Jeediyay Furitaan Maalintii Labaad ee Madasha Saddexaad ee Horumarinta Soomaaliya

Minister of Foreign Affairs Addresses Second Day of the Third Somalia Development Forum (SDF 2026)

July 15, 2026
0

H.E. Abdisalam Abdi Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, today delivered the opening keynote address on the second...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In