Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Uganda oo la kulmay Wasiirka Gargaarka Dalkaas

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Uganda oo la kulmay Wasiirka Gargaarka Dalkaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda safiir Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) oo la kulmay Wasiirka Gargaarka, Maareynta Musiibooyinka iyo Qaxootiga Eng. Hilary Onek ayaa kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay cabaqada haysta qoxootiga Soomaalida ee ku nool dalkan Uganda.

Safiir Cali Cagabaruur ayaa la wadaagay wasiirka in ay jiraan caqabado soo wajahay qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Uganda dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sidaa ay muwaadiniin Soomaaliyeed usoo sheegeen safaarada, caqabadahaas oo Soomaalida u gaar ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Dhankiisa Wasiirka Gargaarka, Maareynta Musiibooyinka iyo Qaxootiga dowladda Uganda Eng. Hilary Onek ayaa sheegay in dhammaan caqabadahaas si deg deg ah wax looga qaban doono, Soomaalidana yihiin dad qiimo badan oo soo dhawayn Uganda ka mudan.

Kulankan oo sidoo kale looga hadlay arrimo ku saabsan xariirka labada dal iyo dabagalka hishiisyo is-afgarad oo horay Soomaaliya iyo Uganda u saxiixdeen August 2022, wxaan labada dhinac la isla gartay in la sii anba qaado heshiisyada iskaashi ee labada dal ka dhexeeya, wada shaqayn dhowna looga yeesho arrimaha qaxootiga, waxaa kaloo lasoo jeediyay in Hay’adda Qaxootiga Qaranka xiriir dhow oo wada shaqeyn la yeelato xafiiska Wasiirka Arrimaha Qaxootiga Uganda, labada dhinacna ay kulmaan marka ugu dhow ee ay suura gasho.

Ugu dambeyntii Danjire Cali Cagabaruur ayaa Uganda dowlad iyo shacab uga mahadceliyay martigalinta muwadiiinta Soomaalida ee ku nool dalkan Uganda, iyagoo kala kulmay qadarin Iyo soo dhowayn heerkeeda sareeyo.

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qadar

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jeddah kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jeddah kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jeddah kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha dalka Ciraaq

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In