Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington DC oo la kulmay Jaaliyadda Ohio “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington DC oo la kulmay Jaaliyadda Ohio “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay u qeybsanaha Dowlada Soomaaliya ee dalka Mareykanka Danjire Cali Sharif Axmed .

Safiirka iyo xubnaha safaarada qaar oo ku wehliyay socdaalkan waxa uu ujeedkoodu ahaa sidii la isugu xiri lahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka iyo Safaaradooda Washington DC oo ahmiyad weyn ugu fadhida.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Socdalka Safiirka waxaa dhankiisa ku wehliyay safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan oo dhankiisa howlo muhiim ah u hayo Bulshada iyo dowladda Soomaaliyeed.

Danjire Cali Shariif Axmed iyo safaaradda ayaa looga fadhiya hawlo baddan oo ay ka mid yihiin, isku xirka shacabka dibadda jooga iyo dowladadooda, xalinta dhibaatooyinka gudaha Mareykanka ku qabsada Jaaliyadda, sida carruurta xabsiyadda ka buuxda, xal u helidda dadka sharci la’aantu hayso ee dowladda Mareykanku musaafuriso, mushkiladda xawilaadaha ee Bangiyada iyo arimo kale oo aad u badan.

Safiirka oo kulamo gooni gooni ah la qaadanayay qeybaha bulshada waxa uu balan qaaday in safaaraddu qaban doonto howlaha loo igmaday iyo in ay ka soo dhalaali doonaan rajada Jaaliyadaha Maraykanku ka qabaan isbadal lagu sameeyo sidii safaaraddu irdaha ugu furi lahayd wax walba oo ay tahay in ay ka xigsato dadka Soomaaliyeed.

Safirka waxa uu amaanay horumarka ay sameeyeen Jaaliyadda reer Columbus ee dhanka Ganacsiga, Waxbarashada, muujinta sida dadka Soomaaliyeed u yihiin dad wax soo saar iyo sida ay ugu xiranyihiin dalkoodii oo ay kaga qeyb qaataan wax walba oo kaga soo aadaa, dhanka dhaqaalaha, Siyaasadda iyo horumarka .

Jaaliyadda ayuu ugu baaqay in ay maalgashi ku sameeyaan dalkooda isla markaana xiliyada fasaxa iyo waqtiyo fiicanba ay dalkooda ku soo qaataan si ay wax badan uga ogaadaan xaalada dalkooda iyo is badalka la hiigsanayo.

Waxa uu safiir Cali tegi doonaa dhamaan goboladda ay Soomaalidu dagantahay ee Mareykanka, isaga oo ka shaqeyn doona isku xirka Jaaliyadda lafteeda iyo safaaraada.

Xubnihii Jaaliyadda ee ka hadlay kulanka waxa ay safiirka ku booriyeen in la adkeeyo Ilaalinta sharafta iyo Karaamada Ummadda Soomaaliyeed oo ay Safaaraddu u taagantahay matalaadooda.

Waa markii ugu horeysay oo uu safiirku la kulmo Jaaliyadda tan iyo intii la soo magacaabay labo bil ka hor xilkan, isaga oo sii wadi doona kulamadiisa.

Deeqo Shire (SONNA)

Previous Post

Puntland oo guddi u saartay wax ka qabashada fatahaado ka dhashay roobab ka da’ay deegaannada Maamulkaas “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo badbaadiyay dad guryo ku dumay “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir oo soo badbaadiyay dad guryo ku dumay “SAWIRRO”

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo badbaadiyay dad guryo ku dumay “SAWIRRO”

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In