Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya oo ka hadlay socdaalkiisa ku aadan gobollada dalka “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Maxamed Cali Ameeriko oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Garoowe “SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa sheegay in socdaalkiisa ay la xiriirto sidii uu bulshada u tusi lahaa inay dalka ay ka jirto Nabad, isla markaana ay shacabka isaga kala gooshi karaan meelkasta oo ay rabaan.

Maxamed Cali Ameeriko oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in muddo 8-sano kaddib markii uu xilka safiirnimada wareejiyay uu socdaal ku tegay dalka dibadiisa oo uu casuumaad ka helay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku dhaqan, waxaana uu intaa ku daray in markii uu dalka dib ugu soo laabtay uu casuumaad ka helay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya ayaa xusay in sidoo kale uu socdaal ku tegi doono deegaannada dowlad goboleedka Galmudug oo uu martiqaad ka helay madaxweynaha Maamulkaasi, waxaana uu ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay deegaannadii uu socdaalkii ku tegay.

“Waxaan rabaa in dadku ay arkaan in Wadanku uu isbadal ka jiro, isla markaana dadku markii ay wanaag sameeyaan lagu amaano, aniga inta aan socdaalka ku tegay aad ayaan ugu farxay waxa aan ku soo arkay, marka waxaan rabaa in aan bulshada ugu baaqo in laga wada shaqeeyo Nabadda” ayuu yiri Maxamed Cali Ameeriko.

Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/08/WARAYSI-MAXAMED-C-ALI-NUUR-AMEERICA-.mp3
Previous Post

Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Turkiga oo lagu soo dhaweeyay Ankara “Dhageyso+sawirro”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In