Friday, October 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirkii Soomaaliya ee Dalka Masar oo lagu wado in lagu aaso Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Safiirkii Soomaaliya ee Dalka Masar oo lagu wado in lagu aaso Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Janaasada Marxuumka waxay ka dhacday Masjidka Cumar Makram oo ku yaalla agagaarka xarunta Jaamacadda Carabta; fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira. Waxaa janaasada ka soo qeyb galay madaxda wadanka Masar, danjireyaal iyo diblomaasyiin carbeed iyo kuwo Afrikaan ah. Waxaa dadkii ka soo qeyb galay ka dhex muuqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan, Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir ahna Wasiirkii hore ee  caddaalada, Safiirada Wadamada Djibouti, Ethiopia, Saudi Arabia, madax kale iyo dhamaan qeybaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco magaala madaxda Wadanka ee Muqdisho maalinta khamiista ah oo ay taariikhdu tahay 26-ka November 2015.

Related posts

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026

Marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa wuxuu ka mid ahaa danjireyaasha loogu ixtiraami ogyahay wadanka Masar; isagoo hormuud u ahaa Safiirada Carabta iyo kuwa wadamada Afrika. Marxuumka waxa uu hawlaha diblomaasiyadda ku soo biiray markii ugu horeysay sanadkii 1987-ka xilligaas oo loo magacaabay Safiirkii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee wadanka Algeria.

Sanadkii 1990, waxaa loo badalay, loona magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Ergeyga Joogtada ee dalkeena uga wakiilka ah Ururka Jaamacadda Carabta, xilkaasi oo uu hayay tan iyo markii uu geeriyooday.

Allah u naxariisto , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud , waxa uu ku matalayay kulamada kala duwan ee Jaamacadda Carabta Magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed muddo dhan 25 sano , isagoo shirgudoomiyay fadhigii heerka Wasiir Arrimo Dibadeed ee Jaamacadda Carabta , wareegiisii 123,aad ee qabsoomay March , sanadkii 2000.

Sanadkii 1996-dii waxa uu ku fariistay Kursiga Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira , isagoo matalayay Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya .

Mudadii qaran burburka dalka uu ka jiray , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qeyb galay shirarkii dib u heshiisiinta ee kooxihii Siyaasadda Soomaaliya ku loolamayay loogu kala qabtay Magaalooyinka Qaahira , Addis Ababa iyo Carta , xubinnimo Baarlamaan oo loogu doortay Shirkii Carta- Djibouti sanadkii 2000 ayuu ka tanaasulay .

Danjire Cabdullahi Xassan Maxamud oo si weyn ay u yaqaanaan diblomaasiyiinta ,siyaasiyiinta carbeed iyo kuwa Afrika ayaa ka hor inta aanu ku soo biirin howlaha diblomaasiyadda , waxa uu ahaa sanadkii 1970 –kii Macallin wax ka dhiga dugsiyada sare ee dalka , iyadoo isla sanadkii 1972 –kii uu sidoo kale Macalin ka noqday Jaamacaddii Ummadda , isla sanadkaasi waxaa sidoo kale loo dalacsiiyay in uu maamule ka noqdo dugsigii Jamaal Cabdinaasir oo ahaa xilligaasi xarumaha waxbarasho ee ugu tayada wanaagsanaa dalka .

Sanadkii 1974- 1976 kii waxaa uu ahaa Iskuduwaha Waxbarasho ee gobolada Mudug, Banaadir iyo Xoghayaha guud ee goobaha waxbarasho ee guud ahaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sanadkii 1981 – kii waxaa loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Arrimaha Jabhadaha .

Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qaatay Darajada Licentiate ee Luqadda Carabiga iyo Culuumta Islaamka, Kulliyadda Dar Al-ulum ee Jaamacadda Qaahira sanadkii 1969-kii.

Marxuum Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud oo ifka kaga tagay laba xaas iyo 8 caruur ah, ayaa ku dhashay degmada iimeey sanadkii 1943.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Amiin.

IMG_9896 IMG_9901 IMG_9903 IMG_9912 IMG_9914 IMG_9915 IMG_9929 IMG_9940 IMG_9942 IMG_9943 IMG_9948 IMG_9950

Previous Post

Warbixin: Soomaaliya waxay sannado badan la daalaa dhacaysay Dhaq-dhaqaaqyada Argagixiso

Next Post

Maamulka degmada Kaxda oo dib u dayactir ku sameynaya waddo muhiim ah “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka degmada Kaxda oo dib u dayactir ku sameynaya waddo muhiim ah “SAWIRRO”

Maamulka degmada Kaxda oo dib u dayactir ku sameynaya waddo muhiim ah “SAWIRRO”

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In