Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Madaxweynaha Dalka Koonfur Africa Jecob Zuma ayaa waraaqihiisa aqoonsi ee Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Dowladda Soomaaliya u soo magacaawday Dalka Koonfur Afrika Danjire Jamal Maxamed Barrow.

Related posts

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026

Safiirada waraaqahooda aqoonsi ee safiirnimo uu Madaxweyne Zuma uu kaga guddoomay aqalka madaxtooyada ee Magaalada Pretoria ayaa gaarayay shan iyo toban Wadan,   waxaana  ka mid ahaa, Safiirada Dalalka  Canada, Malesia, Midowga Yurub, Panama, Zambia iyo Falastiin.

Danjire Jamal Maxamed Barrow oo si weyn ugu dhexmuuqday Danjirayaasha kale ayaa markii uu Waraaqihiisa aqoonsi ee Safiirnimo u gudbinayay Madaxweyne Zuma sheegay in uu salaan iyo dhambaal inuu ka sido Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna intaasi ku daray Danjiruhu in  ay Soomaaliya ay abaal lama ilaabaan u gashay Koonfur Afrika xilliyadii gumeysiga iyo midab takoorkii ka jiray dalkaasi.

“Waxaan salaam iyo dhambaal kaaga wadaa Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,waxaan Koonfur Afrika garab taagnen xilliyadii xuriyad doonkii ee 1970yadii illaa 1980 sideedameeyadii , sidaad lasocoto Soomaaliya hada  way kasoo kabanayasaa dhibaatadii gaartay ayadoo garab ka heshay midowga Afrika, waxayna u baahantahay in la garab qabto,waxaan aad ugu faraxsanahay inaan kuusoo gudbiyo Aqoonsigayga safiirnimo Mudane Madaxweyne” ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.

Madaxweyne Zuma ayaa dhankiisa sheegay in uu aad u ugu faraxsanahay qaabilaadda Safiirada cusub isagoo sheegay in Dowladiisa soo dhaweynayso Danjirayaasha ayna la shaqeyn doonto.

Sidoo kale qudbad uu jeediyay Madaxweyna Zuma ayaa  waxa uu ka hadlay arimo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka bay”ada  qulqulka qoxootiga, ,midnimada Afrika iyo ciidama ay Afrika yeelato kuwaasoo loogu talagalay inay ka hortagaan Wadamada dagaalada ka dhaca ee Qaaradda,isagoo intaasi raaciyay in Koonfur Afrika ay dhawaan u xirtay tababar Ciidankii ugu horeeyay ee Qaarada Afrika kasocday  iyo waliba Shirka China Africa oo bisha December lagu wado inuu ka qabsoomo  magaalada Johannsebur,

“Kusoo dhawaada South Africa mudanayaal iyo marwooyin waan wada shaqeyn doonaa iyadoo la tixgalinaayo heshiisyada iyo wadashaqeynta Wadamada aad matashaan ee xushmadda iyo wada shaqeynta leh.

Danjire Jamal Maxamed Barrow ayaa ka mid ahaa Danjirayaal ay Dowladda u magaacawday Caalamka waana Danjirihii labaad,ee Koonfur Afrika lasoo magaacabo,horaantii sanadii 2013 dii ayay ahayd markii uu Madaxweyne Zuma waraaqihiisa aqoonsi ee  safiirnimo ka gudoomay Allah u naxriistee Danjirihii hore Sayad Shariif waxaana uu geeriyooday afar bilood kadib, Jamal Barrow loogu fadhiyaa inuu sii laba jibaaro xiriirka labada Dal iyo waxqabashada dhibaatooyinka Soomaalida ganacsatada ah.

7bd72504-b02f-4592-b6ae-7d1cb1dc9aeb 16b2cb5a-7a15-406a-9aec-00f42a164555 8432f06e-80dc-46ff-ba83-49bfebf461e0 (1) 8432f06e-80dc-46ff-ba83-49bfebf461e0 39376a16-b926-4b48-98d1-ede99505ccc5 7076409a-7e04-45a9-9f72-85d7b4c77e3b IMG_0013  IMG_0019 IMG_0030

C/qaadir Axad,Warbaahinta Qaranka Pretoria

Previous Post

Kooxaha Xagjirka ah maxay u daliishadaan la dagaallanka dowladaha? -DHAGAYSO

Next Post

R/wasaaraha oo guddi u magacaabay colaadda Gaalkacyo

Next Post
R/wasaaraha oo guddi u magacaabay colaadda Gaalkacyo

R/wasaaraha oo guddi u magacaabay colaadda Gaalkacyo

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In