Thursday, December 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Madaxweynaha Dalka Koonfur Africa Jecob Zuma ayaa waraaqihiisa aqoonsi ee Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Dowladda Soomaaliya u soo magacaawday Dalka Koonfur Afrika Danjire Jamal Maxamed Barrow.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

Safiirada waraaqahooda aqoonsi ee safiirnimo uu Madaxweyne Zuma uu kaga guddoomay aqalka madaxtooyada ee Magaalada Pretoria ayaa gaarayay shan iyo toban Wadan,   waxaana  ka mid ahaa, Safiirada Dalalka  Canada, Malesia, Midowga Yurub, Panama, Zambia iyo Falastiin.

Danjire Jamal Maxamed Barrow oo si weyn ugu dhexmuuqday Danjirayaasha kale ayaa markii uu Waraaqihiisa aqoonsi ee Safiirnimo u gudbinayay Madaxweyne Zuma sheegay in uu salaan iyo dhambaal inuu ka sido Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna intaasi ku daray Danjiruhu in  ay Soomaaliya ay abaal lama ilaabaan u gashay Koonfur Afrika xilliyadii gumeysiga iyo midab takoorkii ka jiray dalkaasi.

“Waxaan salaam iyo dhambaal kaaga wadaa Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,waxaan Koonfur Afrika garab taagnen xilliyadii xuriyad doonkii ee 1970yadii illaa 1980 sideedameeyadii , sidaad lasocoto Soomaaliya hada  way kasoo kabanayasaa dhibaatadii gaartay ayadoo garab ka heshay midowga Afrika, waxayna u baahantahay in la garab qabto,waxaan aad ugu faraxsanahay inaan kuusoo gudbiyo Aqoonsigayga safiirnimo Mudane Madaxweyne” ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.

Madaxweyne Zuma ayaa dhankiisa sheegay in uu aad u ugu faraxsanahay qaabilaadda Safiirada cusub isagoo sheegay in Dowladiisa soo dhaweynayso Danjirayaasha ayna la shaqeyn doonto.

Sidoo kale qudbad uu jeediyay Madaxweyna Zuma ayaa  waxa uu ka hadlay arimo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka bay”ada  qulqulka qoxootiga, ,midnimada Afrika iyo ciidama ay Afrika yeelato kuwaasoo loogu talagalay inay ka hortagaan Wadamada dagaalada ka dhaca ee Qaaradda,isagoo intaasi raaciyay in Koonfur Afrika ay dhawaan u xirtay tababar Ciidankii ugu horeeyay ee Qaarada Afrika kasocday  iyo waliba Shirka China Africa oo bisha December lagu wado inuu ka qabsoomo  magaalada Johannsebur,

“Kusoo dhawaada South Africa mudanayaal iyo marwooyin waan wada shaqeyn doonaa iyadoo la tixgalinaayo heshiisyada iyo wadashaqeynta Wadamada aad matashaan ee xushmadda iyo wada shaqeynta leh.

Danjire Jamal Maxamed Barrow ayaa ka mid ahaa Danjirayaal ay Dowladda u magaacawday Caalamka waana Danjirihii labaad,ee Koonfur Afrika lasoo magaacabo,horaantii sanadii 2013 dii ayay ahayd markii uu Madaxweyne Zuma waraaqihiisa aqoonsi ee  safiirnimo ka gudoomay Allah u naxriistee Danjirihii hore Sayad Shariif waxaana uu geeriyooday afar bilood kadib, Jamal Barrow loogu fadhiyaa inuu sii laba jibaaro xiriirka labada Dal iyo waxqabashada dhibaatooyinka Soomaalida ganacsatada ah.

7bd72504-b02f-4592-b6ae-7d1cb1dc9aeb 16b2cb5a-7a15-406a-9aec-00f42a164555 8432f06e-80dc-46ff-ba83-49bfebf461e0 (1) 8432f06e-80dc-46ff-ba83-49bfebf461e0 39376a16-b926-4b48-98d1-ede99505ccc5 7076409a-7e04-45a9-9f72-85d7b4c77e3b IMG_0013  IMG_0019 IMG_0030

C/qaadir Axad,Warbaahinta Qaranka Pretoria

Previous Post

Kooxaha Xagjirka ah maxay u daliishadaan la dagaallanka dowladaha? -DHAGAYSO

Next Post

R/wasaaraha oo guddi u magacaabay colaadda Gaalkacyo

Next Post
R/wasaaraha oo guddi u magacaabay colaadda Gaalkacyo

R/wasaaraha oo guddi u magacaabay colaadda Gaalkacyo

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In