Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Sanadguurada 66-aad ee Raadiye Muqdisho,,WQ: Cabdiraxmaan (Koronto)

admin by admin
9 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Sanadguurada 66-aad ee Raadiye Muqdisho,,WQ: Cabdiraxmaan (Koronto)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaan hambalyo u dirayaa Raadiyaha qaranka ee Muqdisho oo ku aadan munaasabadda sanadguurada 66-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay bishii June, 1951-dii.

Raadiyaha, waxaa soo maray inta badan saxafiyiinta ruug cadaaga ugu caansan saxaafadda Soomaaliya. Raggii horey u joogi jiray, waxaa ka mid ah rag aan qaar ka mid ah iskala soo shaqeynay BBC sida Allaha u naxariistee Maxamed Xassan Cawke, Aadan Nuux Dhuulle, Yoonis Ali Nuur, oo isagu ka mid ahaa madaxdii soo martay Raadiye Muqdisho, Yuusuf Garaad, wasiirka arrimaha dibedda ee hadda, oo BBC Somali dhowr iyo toban sano madax ka ahaa iyo Cabdinuur Sheekh Maxamed, oo hadda ka mid ah weriyayaasha wali ka shaqeeya BBC Somali xarunteeda magaalada London.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Raadiyo Muqdisho, wuxuu ii ahaa jaamacadeyda koowaad ee saxaafadda. Waa halkii aan ka hanaqaaday marka aad eegto sooyaalka taariikhdeyda saxaafadeed, oo gaaraysa in ka badan labaatan sano.

Raadiyo Muqdisho, waxaan ka shaqo bilaabay sanadku markii uu ahaa 1996. Anigoo ku sugan Iskuul gaar loo leeyahay oo lagu barto afka-English-ka oo la oran jiray “Al-Farxaan”, oo aan macalin ka ahaa, ayaa Iidhehda/Xayaysiinta Raadiyo Muqdisho laga baahiyay shaqooyin ka bannaan raadiyaha.

Inkastoo, aanan aad u xiiseyn jirin saxaafadda in ay xirfad shaqo ii noqoto, hadana waxaan aad u danayn jiray barnaamijyo badan, oo ka bixi jiray idaacadda sida kan Cayaaraha, Bandhigga Raadiyaha, Sheeko Gaaban iyo qaar kale.

Waxaan go’aansaday in aan dalbado shaqooyinka la soo xayeysiiyay, oo ay ka mid ahayd: In Raadiyuhu raadinayo shaqsi luqadaha Soomaaliga iyo Ingiriiska si fiican isugu tarjumi kara. Markii aan galay imtixaankii la qaadayay waxaan ku guulaysta kaalinta koowaad. Waxaa kaloo jiray qeybaha Carabiga, Amxaariga iyo Sawaaxiliga, oo iyaguna ay dhalinyaro u tartamayeen, maadaama uu xilligaas Raadiyuhu dib u furayay Luqadaha Khalaad.

Bilowgii, waxaan la kulmay cadaadis keenay in markiiba aanan ku guulaysan in aan toos uga shaqeeyo qeybta raadiyaha ee Ingiriiska. Waxaan badalka raadiyaha ka shaqo bilaabay qeybta Bulletin-ka, oo ahaa wargeys ku soo baxayay luqadda Ingiriiska oo la geyn jiray xafiiska dowladda iyo safaaradaha koobnaa ee markaas dalka ku sugnaa. Waxaana madax ka ahaa Allah ha u naxariistee Xasan Aaye Boqorre, oo ahaa muwaadin Soomaali ah oo ka soo jeeday Boorama, oo aan dalka ka bixin xilligii burburku jiray. Xasan Aaye Boqorre, wuxuu hadda ku aasan yahay xarunta wasaaradda warfaafinta.

Xassan Aaye wuxuu ahaa Macalinkeygii saxaafadda, oo markii aan imid Raadiye Muqdisho, I gacanqabtay oo I siiyay tababaray dhanka saxaafadeed. Wuxuu muddo kooban kadib madax ka noqday Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, oo aan aniguna u wareegay. Waxaa shaqaalaha horjooge u ahaa Maxamed Isaaq Mursal, oo ilaa hadda ku sugan xarunta Raadiyo Muqdisho.

Intii aan joogay SONNA, waxaan diyaarin jirnay wararka ka baxa idaacadda ha ahaadeen kuwa laga soo uruuriyo gudaha iyo kuwo dalka dibediisa oo aan u tarjumi jirnay idaacadda. Waxaan isla markaana bilaabay in aan idaacadda qeybta Ingiriiska diyaariyo, soona jeediyo warka luqadda Ingiriiska.

Markii ugu horeysay ee aan qeybta af-Soomaaliga ee Raadiyo Muqdisho, waxay ahayd habeen aan ku qornaa Desk-ga SONNA ee wararka, oo la waayay weriyihii habeenkaa soo jeedin lahaa ee aan ku wareejin lahaa wararka aan diyaariyay.

Markii aan ogaaday in uu baaqday war aqriyihiin Idaacadda 9-ka fiidnimo, idaacadiina ka dhiman tahay wax ka yar shan daqiiqo, ayaan ogeysiiyay Madaxii SONNA, Allah ha u naxariistee Xasan Aaye Boqorre, wuxuu markiiba I weydiiyay in aan aqrin karo war af-Soomaali ah oo toos ah. Waxaan u sheegay in wararka Ingiriiska aan mararka qaar toos u galo, Soomaaligana maadaama uu luqaddayda yahay, aan awood u leeyahay aqrintiisa si fudud. Wuxuu igu yiri hadii aad isku kalsoon tahay aqri warka intii uu baaqan lahaa. Sidii ayaan ku aqriyayay, iyadoo aanan hal khaladna galin.

Markii aan ka soo baxay, Xasan Aaye aad ayuu iigu hambalyeeyay, iina sheegay in aan war aqrinta aad ugu fiicanahay. Aroortii markii madaxdii Idaacadda soo xaadirtay ayay ii yeereen, iyagoo marka hore iiga mahadceliyay in aan ka badbaadiyay in warku uu baaqdo, waxayna ii sheegeen in wixii markaas ka bilaabata aan ku soo baxayo jadwalka war aqrinta Raadiyo Muqdisho, kadibna waxaa bilaabatay in la ii dhiibo barnaamijyo kale, oo uu ka mid yahay Barnaamijka “Weydiin iyo Warcelin”.

Sadex sano iyo dheeraad kadib markii idaacaddu aysan shaqaynin muddo dhowr bilood ah, ayaan ka tagay, oo aan ku biiray HornAfrik, oo iyada lafteeda aan ka tagay 7 bilood kadib si aan ugu biiro laanta Af-Soomaaliga ee BBC.

16 sano oo aan ka shaqaynayay BBC Soomaali kadib, waxaan hadda la shaqeeyaa isla Wasaaradda Warfaafinta oo hadda ah hoyga Raadiyo Muqdisho, oo aan ka ahay la taliye sare.

Raadiyo Muqdisho kaalin lama ilaawaan ah ayuu ku leeyahay aasaaska taariikhdeyda saxaafadeed, waxaanan u dirayaa hambalyo gaar ah oo ku aadan munaasabadda sanadguuradiisa 66-aad.

Hambalyo Raadiyo Muqdisho.

WQ: Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Koronto)

 

Previous Post

Radio Muqdisho.. Codkii damista diiday…66 sano oo guuleed,,,WQ: Liibaan Cabdi Cali

Next Post

Akhriso: Nuxurka hadal jeedintii Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ee Golaha Shacabka

Next Post
Akhriso: Nuxurka hadal jeedintii Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ee Golaha Shacabka

Akhriso: Nuxurka hadal jeedintii Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ee Golaha Shacabka

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In