Thursday, May 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Sanadguurada 66-aad ee Raadiye Muqdisho,,WQ: Cabdiraxmaan (Koronto)

admin by admin
November 26, 2017
in Maqaallo, Wararka
0
Sanadguurada 66-aad ee Raadiye Muqdisho,,WQ: Cabdiraxmaan (Koronto)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaan hambalyo u dirayaa Raadiyaha qaranka ee Muqdisho oo ku aadan munaasabadda sanadguurada 66-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay bishii June, 1951-dii.

Raadiyaha, waxaa soo maray inta badan saxafiyiinta ruug cadaaga ugu caansan saxaafadda Soomaaliya. Raggii horey u joogi jiray, waxaa ka mid ah rag aan qaar ka mid ah iskala soo shaqeynay BBC sida Allaha u naxariistee Maxamed Xassan Cawke, Aadan Nuux Dhuulle, Yoonis Ali Nuur, oo isagu ka mid ahaa madaxdii soo martay Raadiye Muqdisho, Yuusuf Garaad, wasiirka arrimaha dibedda ee hadda, oo BBC Somali dhowr iyo toban sano madax ka ahaa iyo Cabdinuur Sheekh Maxamed, oo hadda ka mid ah weriyayaasha wali ka shaqeeya BBC Somali xarunteeda magaalada London.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025

Raadiyo Muqdisho, wuxuu ii ahaa jaamacadeyda koowaad ee saxaafadda. Waa halkii aan ka hanaqaaday marka aad eegto sooyaalka taariikhdeyda saxaafadeed, oo gaaraysa in ka badan labaatan sano.

Raadiyo Muqdisho, waxaan ka shaqo bilaabay sanadku markii uu ahaa 1996. Anigoo ku sugan Iskuul gaar loo leeyahay oo lagu barto afka-English-ka oo la oran jiray “Al-Farxaan”, oo aan macalin ka ahaa, ayaa Iidhehda/Xayaysiinta Raadiyo Muqdisho laga baahiyay shaqooyin ka bannaan raadiyaha.

Inkastoo, aanan aad u xiiseyn jirin saxaafadda in ay xirfad shaqo ii noqoto, hadana waxaan aad u danayn jiray barnaamijyo badan, oo ka bixi jiray idaacadda sida kan Cayaaraha, Bandhigga Raadiyaha, Sheeko Gaaban iyo qaar kale.

Waxaan go’aansaday in aan dalbado shaqooyinka la soo xayeysiiyay, oo ay ka mid ahayd: In Raadiyuhu raadinayo shaqsi luqadaha Soomaaliga iyo Ingiriiska si fiican isugu tarjumi kara. Markii aan galay imtixaankii la qaadayay waxaan ku guulaysta kaalinta koowaad. Waxaa kaloo jiray qeybaha Carabiga, Amxaariga iyo Sawaaxiliga, oo iyaguna ay dhalinyaro u tartamayeen, maadaama uu xilligaas Raadiyuhu dib u furayay Luqadaha Khalaad.

Bilowgii, waxaan la kulmay cadaadis keenay in markiiba aanan ku guulaysan in aan toos uga shaqeeyo qeybta raadiyaha ee Ingiriiska. Waxaan badalka raadiyaha ka shaqo bilaabay qeybta Bulletin-ka, oo ahaa wargeys ku soo baxayay luqadda Ingiriiska oo la geyn jiray xafiiska dowladda iyo safaaradaha koobnaa ee markaas dalka ku sugnaa. Waxaana madax ka ahaa Allah ha u naxariistee Xasan Aaye Boqorre, oo ahaa muwaadin Soomaali ah oo ka soo jeeday Boorama, oo aan dalka ka bixin xilligii burburku jiray. Xasan Aaye Boqorre, wuxuu hadda ku aasan yahay xarunta wasaaradda warfaafinta.

Xassan Aaye wuxuu ahaa Macalinkeygii saxaafadda, oo markii aan imid Raadiye Muqdisho, I gacanqabtay oo I siiyay tababaray dhanka saxaafadeed. Wuxuu muddo kooban kadib madax ka noqday Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, oo aan aniguna u wareegay. Waxaa shaqaalaha horjooge u ahaa Maxamed Isaaq Mursal, oo ilaa hadda ku sugan xarunta Raadiyo Muqdisho.

Intii aan joogay SONNA, waxaan diyaarin jirnay wararka ka baxa idaacadda ha ahaadeen kuwa laga soo uruuriyo gudaha iyo kuwo dalka dibediisa oo aan u tarjumi jirnay idaacadda. Waxaan isla markaana bilaabay in aan idaacadda qeybta Ingiriiska diyaariyo, soona jeediyo warka luqadda Ingiriiska.

Markii ugu horeysay ee aan qeybta af-Soomaaliga ee Raadiyo Muqdisho, waxay ahayd habeen aan ku qornaa Desk-ga SONNA ee wararka, oo la waayay weriyihii habeenkaa soo jeedin lahaa ee aan ku wareejin lahaa wararka aan diyaariyay.

Markii aan ogaaday in uu baaqday war aqriyihiin Idaacadda 9-ka fiidnimo, idaacadiina ka dhiman tahay wax ka yar shan daqiiqo, ayaan ogeysiiyay Madaxii SONNA, Allah ha u naxariistee Xasan Aaye Boqorre, wuxuu markiiba I weydiiyay in aan aqrin karo war af-Soomaali ah oo toos ah. Waxaan u sheegay in wararka Ingiriiska aan mararka qaar toos u galo, Soomaaligana maadaama uu luqaddayda yahay, aan awood u leeyahay aqrintiisa si fudud. Wuxuu igu yiri hadii aad isku kalsoon tahay aqri warka intii uu baaqan lahaa. Sidii ayaan ku aqriyayay, iyadoo aanan hal khaladna galin.

Markii aan ka soo baxay, Xasan Aaye aad ayuu iigu hambalyeeyay, iina sheegay in aan war aqrinta aad ugu fiicanahay. Aroortii markii madaxdii Idaacadda soo xaadirtay ayay ii yeereen, iyagoo marka hore iiga mahadceliyay in aan ka badbaadiyay in warku uu baaqdo, waxayna ii sheegeen in wixii markaas ka bilaabata aan ku soo baxayo jadwalka war aqrinta Raadiyo Muqdisho, kadibna waxaa bilaabatay in la ii dhiibo barnaamijyo kale, oo uu ka mid yahay Barnaamijka “Weydiin iyo Warcelin”.

Sadex sano iyo dheeraad kadib markii idaacaddu aysan shaqaynin muddo dhowr bilood ah, ayaan ka tagay, oo aan ku biiray HornAfrik, oo iyada lafteeda aan ka tagay 7 bilood kadib si aan ugu biiro laanta Af-Soomaaliga ee BBC.

16 sano oo aan ka shaqaynayay BBC Soomaali kadib, waxaan hadda la shaqeeyaa isla Wasaaradda Warfaafinta oo hadda ah hoyga Raadiyo Muqdisho, oo aan ka ahay la taliye sare.

Raadiyo Muqdisho kaalin lama ilaawaan ah ayuu ku leeyahay aasaaska taariikhdeyda saxaafadeed, waxaanan u dirayaa hambalyo gaar ah oo ku aadan munaasabadda sanadguuradiisa 66-aad.

Hambalyo Raadiyo Muqdisho.

WQ: Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Koronto)

 

Previous Post

Radio Muqdisho.. Codkii damista diiday…66 sano oo guuleed,,,WQ: Liibaan Cabdi Cali

Next Post

Akhriso: Nuxurka hadal jeedintii Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ee Golaha Shacabka

Next Post
Akhriso: Nuxurka hadal jeedintii Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ee Golaha Shacabka

Akhriso: Nuxurka hadal jeedintii Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

May 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Farabadan, ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In