Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil boolis oo la geynayo goobaha laga xoreeyay Shabaab oo tababar loo soo xiray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Taliska booliska oo ka digay in qashinka la soo dhoobo hareeraha waddooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan tababarka loogu soo xirayay qaar ka tirsan saraakiisha ciidanka booliska oo la qorsheynayo in loo wareejiyo goobaha laga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab ayaa waxaa k ka qeyb galay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Amniga Gudaha  Daa’uud Cabdiraxmaan Cumar, Ku-simaha Taliyaha ciidanka booliska Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka.

Tababarkan oo la furay 5-tii August ee bishan ayaa waxaa iska kaashaday Wasaarada amiga gudaha iyo taliska ciidanka booliska, kaasi oo intii uu socday saraakiisha lagu barayay habdhaqanka wanaaagsan iyo xiriirka ka dhexeeya ciidanka booliska iyo shacabka iyo kuwa kale.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Ku-simaha Taliyaha ahna taliye ku-xigeenka koowaad ee ciidanka booliska Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax oo xaflada hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in boolisku uu yahay saaxiibka bulshada, isla markaana saraakiisha looga fadhiyo sidii ay arrintaasi u xoojin lahaayeen.

“Tababarkan idin soo bilowday shantii bishan runtii wax badan ayaad ku barateen oo ay ka midtahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, habdhaqanka wanaagsan, ka difaacidda cadowga shacabka ku dhex dhuumaaleysanaya” ayuu yiri Ku-simaha taliyaha.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Daa’uud Cabdiraxmaan Cumar oo soo xiray tababarka ayaa sheegay in saraakiishan looga fadhiyo in ay xoogga saaraan amniga deegaanada la geyn doono oo ay shacabka ka ilaaliyaan cadowga Al-Shabaab.

“Tababarka aad qaadateen waxaa la rabaa in aad ugu adeegtaan bulshada,  oo aad xoojisaan wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka, si aad uga heshaan xog badan oo ku saabsan dhagar qabayaasha Al-Shabaab” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha amniga gudaha.

Taliska ciidanka booliska ayaa qorsheynaya in ciidamado boolis oo amniga suga la gaarsiiyo goobaha dhawaan lagala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab, si ciidamada ay u soo celiyaan amniga iyo xasiloonida deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab, iyadoo shahaado sharaf la guddoonsiiyay saraakiishii tababarka loo soo xiray.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo mudo kordhin loogu daray magacaabista golaha Wasiirada

Next Post

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo shahaado sharaf la guddoonsiiyay “SAWIRRO”

Next Post
Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo shahaado sharaf la guddoonsiiyay “SAWIRRO”

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo shahaado sharaf la guddoonsiiyay "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In