Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee ah magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta.