Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna “Boolisku waa saaxiibka dhabta ah ee bulshada“

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna “Boolisku waa saaxiibka dhabta ah ee bulshada“
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Stockholm, December 20, 2015 – Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna Maye ayaa fariin hambalyo ah u diray  ciidanka Booliska Soomaaliya sanad guurada 72-aad ee ka soo wareegatay markii la aas’aasay oo ku beegan maanta oo kale December 20 .

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna isagoo ku sugan dalka Sweden, ayaa yiri “ Waxaan halmalyo qiimo leh u dirayaa Sareeyeyaasha, Saraakiisha , Kormeerayaasha , Saraakiil xigeenka , Alifleyda ,Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed , xaasaskooda iyo inta nabadda jecel” .

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya waxa uu xusay in Boolisku uu yahay saldhigga laga unkay ciidamada kala duwan ee Qarankeenu ku faano ,taasina ay caddeyn u tahay kartida iyo waxgalka Saraakiishii dhidibada u taagtay , isagoo Allah uga baryay inuu Jannada geliyo geesiyaasha Booliska ee naftooda ku waayay ilaalinta amniga Qaranka iyo difaaca muwaadinka Soomaaliyeed.

Sareeye Gaas Shariif Sheekhuna Maye waxa uu tilmaamay in Boolisku yahay saaxiibka dhabta ah ee bulshada , una howlgalo u saldhiggidda ammaanka , deganaanshaha iyo cadaaladda , tusmooyinkaasina ay  halbowle u yihiin nolosha wanaagsan iyo horumarka joogtada ah .

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxa uu ku soo gunaanuday fariintiisa hambalyada ah “ Ciidanka Boolisku waxa uu ku guuleystay soo celinta deganaanshaha magaalooyin badan oo dalka ah oo ay ugu horeyso Muqdisho , taasina ay horseeday dib u dhiska dalka ,maalgashiga, wufuud heer caalami ah oo dalka soo booqatay iyo inay korodho Safaraadaha iyo Ergada Shisheeye ee Xarumaha ku yeelanaya Caasimadda, waxaan idin leeyahay “ Geediga hore haloo wado” dalku wuu hagaagayaa , dadkeenuna waxa ay noqonayaan kuwa u nugul nabadda , midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, Soomaaliya ha noolaato”.

Previous Post

Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka hadlay shir uu uga qeyb galay dalka Austria “Dhageyso”

Next Post

Diyaaradda Air France Oo Walxaha Qarxa Looga Shakiyay Ayaa Degdeg Ugu Degtay Mombasa

Next Post
Diyaaradda Air France Oo Walxaha Qarxa Looga Shakiyay Ayaa Degdeg Ugu Degtay Mombasa

Diyaaradda Air France Oo Walxaha Qarxa Looga Shakiyay Ayaa Degdeg Ugu Degtay Mombasa

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In