Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Senator Cabdi Qeybdiid oo loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Guddiga la socodka dastuurka ee labada Aqal

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Senator Cabdi Qeybdiid oo loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Guddiga la socodka dastuurka ee labada Aqal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Villa Hargeysa ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay doorashada gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka iyadoo la dooranayay Gudoomiye ,Gudoomiye ku xigeen iyo Xoghaye.

Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal waxaa isku soo sharxay Sedex Mudane waxaa tanaasulay Axmed Mayoow Cabdulle iyadoo ay isku soo hareen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Waxaa bilaabatay codaynta Gudoomiyaha iyadoo ay codaynayeen 10-ka mudane ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee qaabilsan gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka waxaana lix cod helay Senater Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku guulaystay Gudoomiyaha gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal halka Senater Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole uu helay afar cod.

Gudoomiye ku xigeenka gudiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka waxaa helay Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Kaamil ma jirin cid la tartanta

Xilka xoghayaha gudiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka waxaa u tartamay Laba Mudane oo kala ah Senater Xuseen Sheeq Maxamuud iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xasan waxaa lix cod ku guulaystay Senater Xuseen Sheeq Maxamuud halka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xasan uu helay afar cod.

Goobta doorashada ka dhacaysay waxaa ku  sugnaa labada gudoomiye ku xigeen ee golaha aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka, Gudoomiyaha gudiga dastuurka madaxa banana, Xubnaha labada golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u qaabilsan gudiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka iyo Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Previous Post

Wasaaradda Haweenka oo tababbar u furtay shaqaale ka tirsan Wasaaradaha dowladda “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka oo la hadlay dad dibad baxyo dhigayay “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka oo la hadlay dad dibad baxyo dhigayay “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka oo la hadlay dad dibad baxyo dhigayay "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In