Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay munaasabad heer caalami ah oo lagu guddoonsiiyay Senator Xasan Iidow Muxumed (Kobac) abaalmarinta qiimaha badan ee “Humanitarian Visionary Award” oo ay bixiso Baarlamaanka Madaxa Bannaan ee Dhallinyarada Afrika (Independent Pan-African Youth Parliament).

Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay dadaalka iyo hoggaaminta uu Senator Kobac ku muteystay kor u qaadidda nolosha beni’aadamka, samafalka, iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, taasoo tusaale wanaagsan u ah hoggaamiyaha dhallinyarada Afrika.

Related posts

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026

Waxaa abaalmarinta si rasmi ah u guddoonsiisay Marwo Najmo, oo ah Madaxweynaha Baarlamaanka Dhallinyarada Afrika, iyadoo la dhageystay hadallo dhiirrigelin iyo bogaadin isugu jira oo ay ka jeediyeen madax iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayar Maareeye iyo mas’uuliyiin kale oo heer caalami ah, kuwaasi oo ka marag kacay kaalinta muuqata ee Senator Xasan Iidow Muxumed (Kobac) uu ku leeyahay dhanka samafalka iyo adeegga bulshada.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Next Post
Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay dhiggiiga dalka Itoobiya

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In