Senator Xasan Iidow Muxumed kobac oo kamid ah mudanayaasha Aqalka Sare ee dalka oo deegaan doorashiisa ay tahey Hirshabeelle ayaa hoygiisa Muqdisho kulan afurin ah ugu sameyay qaar ka mid ah waxgaradka iyo gancastada uu ku matalo kursiga
Senator Kobac oo la hadley Warbaahinta Qaranka ayaa sheegey in kulanka uu ku saabsanaa xalaadaha guud iyo horumarinta deegaannada Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed oo dadka uu kursiga ku matalo ay degaaan.
“Waxan wadnaa sidii adeegyada bulshada oo dhameystiran loo gaarsiin lahaa degmada Farlibaax oo hadda ka mid ah meelaha ugu daran, hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ahna waxan ugu baaqayaa in doorkooda ay ka qaataan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Farlibaax”. Ayuu yiri Senator Xasan Iidow.
Waxgaradka iyo odayaasha kulanka ka qeybgalay ayaa waxay ka mahadceliyeen sida uu ula socdo xaaladaha ka jira deegannadooda.