RADIO MUQDISHO:-Shacabka ku nool gobollada Hiiraan, Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ayaa ka hadlay sida ay u soo dhaweynayaan dhismaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, iyagoo hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha cusub, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), kaddib caleema-saarkiisii rasmiga ahaa.
Dadweynaha la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhismaha maamulka Waqooyi Bari uu yahay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa midnimada dalka, nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, iyagoo rajo ka muujiyay in maamulka cusub uu wax ka tari doono horumarka, adeegyada bulshada iyo amniga guud ee Soomaaliya.
Waxay sidoo kale ugu hambalyeeyeen hoggaanka cusub guusha ay gaareen, iyagoo u rajeeyay inuu noqdo maamul u adeegaya danaha shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.










