Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shacabka Kenya oo u istaagay inay iska caabbiyaan Al-Shabaab

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Shacabka Kenya oo u istaagay inay iska caabbiyaan Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

Masuuliyiinta Gobolka Waqooyi bari ee Dalka Kenya ayaa wada olole Hubeysan oo lagu abaabulayo Dhallinyarada degaannadaasi, si ay isaga difaacaan weerarrada kaga yimmaadda Ururka Al-Shabaab.

 

Senotar, Yuusuf  Xaaji oo laga soo doorta Koofurta Gaarrisa ayaa mar uu la hadlayay Dhallinyarada degaanka wuxuu sheegay inay abaabul ugu jiraan sidii ay isaga caabbin lahaayeen Al-shabaab, wuxuuna Bulshada halkaasi ku dhaqan u  tilmaamay in haddii ay Guryahooda ku dhintaan ay shahiid yihiin, sidaa daraaddeedna ay u soo jeestaan dagaal ka dhan ah argagixisada.

“Laasim waa inaan Gabdhaha naha aynaan ka cararin, ma aqbalayno, annagoo dhimanna ayaa taasi noo dhaanta, sharcigana wuxuu qabaa in Qofkii loogu yimmaadda ee ku dhinta uu yahay Shahiid”, ayuu yiri Senotar Yuusuf.

Dhinaca kale war bixin ay dhawaan soo saartay hay’adda ka hortagga shaqaaqooyinka caalamka ee ICG (International Crisis Group) oo lagu daabacay Wargeyska Daily Nation, ayaa waxay ku sheegtay in ay hoos u dhaceen weerradii ay Al-shabaab ka geysan jireen Nairobi iyo Mombasa Kenya.

War bixinta ICG oo lagu xusayay Sanad guuradii Shanaad ee kasoo wageegatay weerarkii lagu qaaday Westgate Mall ee Magaalada Nairobi ayaa sidoo kale lagu sheegay in wixii ka dambeeyay 2015- kii ay Al-Shabaab wadeen olole ay Dhallinyarada ku nool Gobollada Xeebta iyo Waqooyi Bari Kenya ay ku qoranayaan, iyadoo ay taasina meesha ka saartay markii ay da’ yartu u hoggaansameen wacyi gelinta Culimada, wax garadka iyo madaxda Dowladda.

Isha/ Agencies

Previous Post

Wafdiga ka socda Aqalka sare oo Baydhabo kula kulmay Golaha Wasiirada Maamulka K/Galbeed+Sawirro

Next Post

44 Qof oo ku dhimatay Dooni ku qallibantay Tansaaniya

Next Post
44 Qof oo ku dhimatay Dooni ku qallibantay Tansaaniya

44 Qof oo ku dhimatay Dooni ku qallibantay Tansaaniya

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In