Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda gaar ahaan qaybteed Caafimaadka Hooyada iyo Taranka ayaa shalay oo Arbaco aheed 16ka Juun 2021, waxay magaalada Muqdisho ka bilowday tababarka Shaqaalaha Caafimaadka ee Safka hore oo ku saabsan ka hortagga iyo Daweynta xaaladaha COVID-19 ee Haweenka Uurka ke leh, kaas oo socon doona muddo 3 maalmood ah (16 โ 18ka Juun 2021), ayadoo diiradda lagu saari doono sidii wax Looga qaban lahaa Hooyada iyo Dhallaanka qaba Cudurka COVID-19.
Hooyada uurka leh waa inay heshaa talo la xiriirta halista caabuqa COVID-19 iyo tallaabooyinka loo baahan yahay inay qaadaan, ayada iyo qoyskeedaba si ay uga badbaadaan cudurka. Waana taas waxa looga gol leeyahay tababarkan shaqaalaha caafimaadka ee safka hore oo qayb weyn ka qaadan kara xoojinta howlaha ka hortagga iyo daaweynta caabuqa COVID-19.
Marka ay haweenay uur leh u baahato in Cisbitaalka loo seexiyo arrin la xiriirta caabuqa COVID-19, waxaa lagama maarmaan ah in xaruntaas ay leedahay awood lagu la soocon karo xaaladda Hooyada iyo ilmaha caloosheeda ku jira, laguna siin karo daryeelka ku haboon, waana kaas ujeedka ugu weyn ee uu xambaarsanyahay tababarka.
Waa marki u horraysay oo tababar noocaan ah oo ku salaysan Tilmaamaha Daaweynta Xaaladaha COVID-19 ee Haweenka uurka leh ee dhawaantan la ansaxiyay, ujeedkana uu yahay in dalka laga hirgeliyo, iyada oo shaqaalaha caafimaadka ee safka hore oo qaadanaya tababarkan sare loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda shaqaalahan, kuwaas oo lagu han weyn yahay inay Dalka u horseedaan wax u qabashada Hooyada iyo Dhallaanka oo ka mid ah qaybaha u nugul caabuqa COVID-19.
Shaqaalahan caafimaadka waxay gacan ka geysan doonaan sidii ay u sii tababari lahaayeen, sare ugu qaadi lahaayeen aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha caafimaadka ee xarumihi iyo gobolladi ay ka yimadeen, si ay ayaguna awood ugu yeeshaan wax ka qabashada xaaladaha la il daran caabuqa COVID-19 .
Waxaa Hubaal in tababarkan iyo qaar kale oo soo socda ay wax tar weyn u yeelan doonaan shaqaalaha ka shaqeeya daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka, kuwaas oo ka howl gala dhamman gobollada dalka.