Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqaalaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada XFS iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo tababar loo soo xiray+sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Shaqaalaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada XFS iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo tababar loo soo xiray+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa marti-gelisay tababar ku saabsan Barnaamij lagu maamulayo hirarka oo loogu talo-galay dalalka soo koraya (Spectrum Management System for Developing Countries – SMS4DC), kaasi oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU), laguna qabtay magaalada Muqdisho intuu u dhexeysay 14-kii illaa 18kii Maarso 2019.

Axmed Boraud oo ah tababare caalami ah oo ka socday ITU ayaa ugu horreyntii sheegay in ujeeddada tababarkan uu yahay sidii loo dhisi lahaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha sidii ay si habsami leh ugu isticmaali lahaayeen barnaamijkan arrimaha maareynta hirarka, isagoo intaasi ku daray in tababarkan uu diiradda saari doono shaqaalaha maamula hirarka noocyada kala duwan.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Md C/casiis Duwane Isaaq, ayaa sheegay in ay tahay fursad taariikhi ah in Machadka Isgaarsiinta Qaranku uu martigeliyo tababar ay soo qabanqaabisay ITU, taas oo ah markii ugu horreysay tan iyo burburkii ka dhacay dalka, isagoo xusay in tallaabadani ay dhabbaha u xaari doonto barnaamijyo kale oo ay ITU ka fuliso dalkeena, laguna qabto Machadka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in tababarkan uu ku soo aaday waqti munaasab ah oo dalkeenu uu si buuxda u ceshtay xubinnimadii Ururka ITU, isla markaana uu yeeshay hay’ad maamusha arrimaha isgaarsiinta oo haatan ku hawlan nidaaminta qeybaha kala duwan.

Maareeyuhu wuxuu intaasi ku daray in tababarkan uu xoogga saaray in xogta ay ururisay Hay’adda Isgaarsiinta loo isticmaalo barnaamijkan, isagoo ku adkeeyay ka-qeybgalayaasha inay dalkooda uga faa’iideeyaan aqoontii ay ka kororsadeen tababarkan.

“Waxaan u mahadcelinayaa ITU, gaar ahaan Xafiis-goboleedka Carabta oo gacan ka geystay sidii barnaamijkan u qabsoomi lahaa. Waxaan rajeyneynaa in ITU ay naga caawin doonto tababarro badan oo noocan oo kale ah si aan u dhisno awoodda farsamo ee shaqaalaheena,” ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay maareeyuhu.

Previous Post

Wasaaardda Kaluumeysiga XFS oo Iskaashatooyin Kalluumeysi ku wareejisay dooman+sawiiro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In