Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqsiyaad bulshada u dhaq dhaqaaqa oo la abaar mariyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho uga qeybgalay munaasabad lagu abaalmarinaayay shakhsiyaadka u ololeeya dadka tabaaleysan ee qaba baahida gaarka ah, sidii ay u heli lahaayeen adeegyo waxbarasho, caafimaad iyo mid shaqo.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ka hadlay goobta waxa ay sheegeen in dadka aan lixaadooda dhameystirneyn ay u baahanyihiin daryeel dhinac waliba leh, loona baahanyahay in dowladda ay u istaagto sidii dadka naafada ah ay u heli lahaayeen xaquuqda dadka aan lixaadooda dhameystirneyn.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay ku howlantahay dhameystirka sharciga xuquuqul insaanka, kaasi oo ay ku tilmaamtay inay ku cadahay xuquuqda dadka naafada ah.

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa hoosta ka xariiqday in isbitaallada dalka ay dhawaan gaarsiiyeen dawooyin loogu talagalay in loogu adeego bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda tabaaleysan.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa bogaadiyay shaqsiyaadka abaalmarinta la guddoonsiiyay ee u taagnaa sidii walaalahood ay u heli lahaayeen waxa ay heystaan dadka kale ee lixaadooda dhameystirantahay.

“In dadka aan lixaadooda dhameystirneyn loo istaago oo wax loo qabto, waa mid waajib nagu ah, hooyinka ayaa inta badan dhibka dadka dhimirka la’ la qeybsada, marka waxaan dooneynaa in wixii aan ka qaban karno aan ka qabano, dadka kale arrimahan wax ka qaban karo, dhankooda ay u istaagaan, oo Wasiirka caafimaadka ay gacan ka geysato sidii dib loo furi lahaa isbitaalka dadka dhimirka la’.”ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka

Shaqsiyaadka abaal marinta la guddoonsiiyay ayaa isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaasi oo ku muteystay dadaalka ay wax u qabashada

Previous Post

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo furay shir wada tashi ah “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In