Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa bulshada ugu baaqday inay ka qeyb qaataan howlaha loogu gurmanayo isbitaalka Martiini oo ka mid ah goobaha lagu daweeyo dadka uu soo rito cudurka COVID-19.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed oo ka mid ahaa culimaa’udiin maanta booqatay Isbitaalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay ka qeyb qaataan u gurmashada Isbitaalka oo u baahan in laga caawiyo qalabka neef bixiye (oxygen).
“Waxaa fariin ka soo direynaa isbitaalka jihaadka uu ka socdo oo ah Isbitaalka Martiini, oo shaqada lagu hayo jihaad u dhiganto waa badbaadinta dadka Muslimiinta Soomaaliyeed oo maanta cudurkaas uu dadka dilanaayo, akoonada waxaa maamuli doono culimo iyo dad isxilqaamay, waxaa la joogaa waqtigii la isu gurman lahaa ee soo gurmada, Allaha naga dhigo kuwii iskaalmeeya oo liibaana” ayuu yiri Sheekh Bashiir.