Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay shir ku saabsan xulashooyinka maaliyadeed iyadoo la waafajinayo Dib-u-eegista Dastuurka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay shir ku saabsan xulashooyinka maaliyadeed iyadoo la waafajinayo Dib-u-eegista Dastuurka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay kulan shaqo oo ay si wadajir ah u wada qabanayaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha, kaasoo ku saabsan hannaanka maaliyadeed ee Federaalka iyada la waafajinayo dib-u-eegista Dastuurka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Hantidhowrka Guud ee Qaranka, Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dastuurka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka hadlay ujeeddada shirka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

“Sidaa ogtihiin waxaa dalka ka socda Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka waxaana naga go’an in wax walba oo quseeya Dastuurka oo ay kamid tahay Xulushada Hannaanka Maaliyadda Federaalka si qoto dheer looga doodo” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhankiisa sheegay in Wasaaradiisu ka go’antahay inay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka kala shaqeyso arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee quseeya arrimaha Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Avv. Mahdi Maxamed Guuleed oo shirka furay ayaa yiri “Waxaan ku bogaadinaya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka sida wanaagsan ee ay uga shaqeyneyso arrimaha dib-u-eegista Dastuurka, waxaan aqoonyahanada ka soo qeybgalay shirkan kula dardaarmayaa inay maskaxdooda tuujiyaan oo aad soo saartaan xulashooyin wax ku ool ah oo quseeya Hannaanka Maaliyaadda Federaalka”.

Ugu dambayn, shirkan oo socon doona muddo seddex maalin ah oo ay ku kulmeen madax katirsan DFS iyo aqoonyahanno ku xeeldheer arrimaha maaliyadda ayaa marka uu dhamaado laga soo saari doonaa xulashooyin ku saabsan sidii loo federaaleyn lahaa hannaanka maaliyadda.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo U amba Baxay Dalka Qatar

Next Post

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga

Next Post
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In