Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlay sameynta siyaasadaha qaran ee amniga cuntada iyo nafaqeynta oo lagu Qabtay Muqdisho

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlay sameynta siyaasadaha  qaran ee amniga cuntada iyo nafaqeynta oo lagu Qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir looga hadlay sameynta siyaasad qaran ee amniga, cuntada iyo nafaqeynta iyo xoojinta shirka billaha ah ee looga hadlo kor u qaadidda nafaqada (Scale up nutrition), ayaa maanta lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

La taliyaha arrimaha bulshada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ahna xariiriyaha tubta horumarinta arrimaha bulshada, Maxamed Cabi Xasan, ayaa guddoomiyay shirka  oo ay kasoo qayb galeen agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Kalluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha, howl wadeenno ka socday wasaaradaha Ganacsiga, Caafimaadka iyo Beeraha, jaamacadda ummadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Kulanka intiisa badan ayaa diiradda lagu saaray siyaasadaha iyo istaraatiijiyada siyaabaha kala duwan ay wasaaraduhu u sameysteen ee la xariira amniga cuntada iyo nafaqeynta iyo sida ay uga qayb qaadan karaan sameynta siyaasad mideysan oo dalku ka yeesho  amniga cuntada iyo nafaqeynta khuseeya.

Siyaasadda qaran ee amniga cuntada iyo nafaqeynta ayaa qorshaheedu yahay sidii loo sameyn lahaa Istaraatiijiyo sare loogu qaadayo amniga cunnada, nafaqada iyo yareynta faqriga guud ahaan dalka, loona waaafaji lahaa qorshaha horumarinta qaranka, si ay qayb uga qaadato qorshaha Cafinta deymaha dalka lagu leeyahay.

Barnaamijka dardar-gelinta Cunnada caafimadka iyo korriimaha leh ee Soomaaliya (Scaling up Nutrition, SUN) oo kamid ah barnaamijyada hoos taga xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo agaaasimay kulanka oo dhammaan ka qayb galayaasha lagu war geliyay in ay firkadahooda  iyo talooyinkooda ku daraan qorshaha diyaarinta siyaasada amniga cuntada iyo nafaqada.

Previous Post

Guddoonka Golaha Shacabka JFS oo Shaaciyay inuu xirmay Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka

Next Post

Madaxweynaha K/Galbeed oo lagu soo dhaweeyey Baydhabo+sawirro

Next Post
Madaxweynaha K/Galbeed oo lagu soo dhaweeyey Baydhabo+sawirro

Madaxweynaha K/Galbeed oo lagu soo dhaweeyey Baydhabo+sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In