Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlay sameynta siyaasadaha qaran ee amniga cuntada iyo nafaqeynta oo lagu Qabtay Muqdisho

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlay sameynta siyaasadaha  qaran ee amniga cuntada iyo nafaqeynta oo lagu Qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir looga hadlay sameynta siyaasad qaran ee amniga, cuntada iyo nafaqeynta iyo xoojinta shirka billaha ah ee looga hadlo kor u qaadidda nafaqada (Scale up nutrition), ayaa maanta lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

La taliyaha arrimaha bulshada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ahna xariiriyaha tubta horumarinta arrimaha bulshada, Maxamed Cabi Xasan, ayaa guddoomiyay shirka  oo ay kasoo qayb galeen agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Kalluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha, howl wadeenno ka socday wasaaradaha Ganacsiga, Caafimaadka iyo Beeraha, jaamacadda ummadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026

Kulanka intiisa badan ayaa diiradda lagu saaray siyaasadaha iyo istaraatiijiyada siyaabaha kala duwan ay wasaaraduhu u sameysteen ee la xariira amniga cuntada iyo nafaqeynta iyo sida ay uga qayb qaadan karaan sameynta siyaasad mideysan oo dalku ka yeesho  amniga cuntada iyo nafaqeynta khuseeya.

Siyaasadda qaran ee amniga cuntada iyo nafaqeynta ayaa qorshaheedu yahay sidii loo sameyn lahaa Istaraatiijiyo sare loogu qaadayo amniga cunnada, nafaqada iyo yareynta faqriga guud ahaan dalka, loona waaafaji lahaa qorshaha horumarinta qaranka, si ay qayb uga qaadato qorshaha Cafinta deymaha dalka lagu leeyahay.

Barnaamijka dardar-gelinta Cunnada caafimadka iyo korriimaha leh ee Soomaaliya (Scaling up Nutrition, SUN) oo kamid ah barnaamijyada hoos taga xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo agaaasimay kulanka oo dhammaan ka qayb galayaasha lagu war geliyay in ay firkadahooda  iyo talooyinkooda ku daraan qorshaha diyaarinta siyaasada amniga cuntada iyo nafaqada.

Previous Post

Guddoonka Golaha Shacabka JFS oo Shaaciyay inuu xirmay Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka

Next Post

Madaxweynaha K/Galbeed oo lagu soo dhaweeyey Baydhabo+sawirro

Next Post
Madaxweynaha K/Galbeed oo lagu soo dhaweeyey Baydhabo+sawirro

Madaxweynaha K/Galbeed oo lagu soo dhaweeyey Baydhabo+sawirro

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In