Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay amniga Soomaaliya oo lagu soo gabo gabeeyay Denmark “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay amniga Soomaaliya oo lagu soo gabo gabeeyay Denmark “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir looga hadlayo ammaanka Soomaaliya oo uu ka qeyb-galay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya iyo xubno kale ayaa lagu soo gabo gabeeyay magaalada Copenhagen ee dalka Demark.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Denmark Martin Lidegaard, Wasiirka Ganacsiga Denmark Mogens Jensen, qaar ka mid ah mas’uuliyiin ka socday hay’adaha ku shaqada leh dhanka amniga iyo kuwa kale oo taageera Soomaaliya, waxaana inta uu socday lagu gorfeeyay arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo horumarka ay dowladda ka gaartay dhanka Nabadgelyada.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Wasiirka Amniga Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga,  la dagaallanka xagjirka ah Al-Shabaab, burcad badeedda iyo dhismaha maamul goboleedyada dalka oo meel wanaagsan maraya.

Wasiirka Ganacsiga Denmark Mogens Jensen ayaa sheegay inay ka go’antahay sidii ay u taageeri lahaayeen dowladda Soomaaliya, isla markaana 50% dhaqaalaha ku baxaya arrimaha amniga iyo dhismaha Maamul Goboleedyada dalka ay saddaxa sano ee soo socota ka caawinayaan Soomaaliya

Shirka oo ahaa mid hal maalin ah ayaa gabo gabadii dowladda Soomaaliya lagu ammaanay horumarka xagga amniga ee ay sameysay.

11051098_1040429852651332_1618153789_n 11074671_1040438295983821_1372010204_n 11088689_1040427489318235_1460124913_n 11104090_1040438122650505_1996189804_n 11106487_1040437925983858_1191849157_n

Sahra Maxamuud Cali (Zusana)

 

 

Previous Post

DAAWO SAWIRADA MEYDADKA KOOXDA UGUS EE LAGU LAAYAY HOTEL MAKA AL-MUKARAMA

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In